Dabaylaha siyaasadeed ee Geeska Afrika, taranta quwadaha waaweyn ee badda cas iyo fursadaha Somalilad (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Waxa indhaha caalamku iyo Warbaahintuba ildheer ku eegayaan Daruuraha Siyaasadeed ee dul hoganaya Geeska Africa,Isbeddelo waawayn ayaa socda,waxa na ugu horreeya isbeddeladaas La wareegidda ay Xukuumadda Jabuuti la wareegtay Dekedda Doraleh oo ay maamulaysay Shirkadda DP world oo la filayo in China lagu wareejiyo ย iyo Walaaca ay xukuumadda Maraykanku ka Qabto Saldhiiga military ee ugu waynee uu Africa ka samaystay Dowladda China,taas oo u muuqatta is ballaadhinta China ee Africa oo sii kordhaysa.

Wasirrka Arrimaha Dibadda ee jabuuti Mohamed Ali Yusuf wuxuu kaga dhawaajiyay in aan Reer galbeed ka loo joojin doonin intaas in ka badan(Tobanaan sano ayay reer galbeedku waxba ka qaban waayeen Africa hase ahaattee imika China ayaa Qaban doona Wixii ay Qaban waayeen) Sidaas waxa yidhi wasiirka arrimaha Dibadda Djibouti.isagoo ka hadlayay xagga horumarka,waxa kaloo garab socda Ganacsiga iyo maalgashiga uu China maalgashanayo Africa.

China wuxuu ku doodayaa inuu saldhigga military ugu adeegayo maraakiibtiisa Ganacsiga,oo uu ka gaashaamanayo budhcad badeedda hase ahaatte Maraykanku wuxuu leeyahay Baroortu Orgiga ka wayn,waxaannu ka walaacsanahay inuu China wado tartan xagga awoodda ah isagoo China uu ku hoos dhuumanayo Ganacsi, waxa xusid mudan in Saldhigga Military ee China ka samaystay Jabuuti meel u dhow Xeebta Doraleh waxay u jirtaa Dhowr kiiloomitir oo keliya Saldhigga (Camp lemonair)oo uu degganyahay Ciidanka maraykanku,iyadoo haddana loo malaynayo in China la wareegayso Dekedda Doraleh ee la baxday magaca ujeedo badan (Doraleh Multipurpose port) Sababo badan oo la akhriyi kari waayay darteed.

Waxa kaloo Xusid mudan in hadda Maraykanku uu Dhowr ka mida maraakiibtiisa dagaalka uu u soo kexeeyay xagga badda cas iyo Geeska Africa halkaasna aan la dhayalsan Karin tartanka Quwadaha ee ka iman kara,in kastoo marka horeba maraakiibta dagaalka ee la moodo inay raxan Shinbiro ahi ka kacayaan marna ku degayaan ee maraykanku keeyahay kolka horeba gaaf wareegaan aaga badda cas iyo Badweynta India haddana Soo dhoweynta uu soo dhaweeyay waxay ka tarjumaysaa inuu maraykanku Diyaar u yahay inuu Geeska Africa iyo Africaba ka cidhiidhyo China ha.

Siyaasiyiin badan oo arrimaha Caalamka ka Faallooda ayaa ka hadlaya arrintan iyagoo leh waxay u muuqattaa in Africa awooddii uu ku lahaa Xukuumadda maraykanku sii lumayso ama tartan uu ka dhex bilaabmi doono Maraykanka iyo China,Inkasta oo uu ku afgobaadsanyo maraykanku inaanay dhib wayn u arkayn Xidhiidhka uu China Africa la samaysanayo haddana waxa ay hoosta ka xarriiqeen walaaca ay ka qabaan arrintaas,iyo inay kalifi karto Tartan (Competition) dhinaca Siyaasadda ah Sidas waxa cadeyayย  (Bill gerts)oo ah Qoraa maraykan ah.

Waxa kaloo iyaduna Xusid mudan Xoghayaha Arrimaha Dibadda maraykanka(Rex Tillerson) oo Socod aan joogsi lahayn ku maray gobolka iyo Xil ka qaadistiisa oo u muuqatta mid daba socotta arrimaha mandaqadda ka taagan,dhinaca ay doonto ha ka timaaddee.

Dhinaca kale Gobaha SiyaasaddaArrimaha dibadda ee maraykanka lagu falanqeeyo wax aan China ahayn laguma hadalhayo,waayo china waxay ugu horraysaa Quwadaha la saadaalinayo ee loo bixiyay Magaca (BRICS) oo ka Kooban Brasil,Russia,India,China,iyo South Africa.Quwadahan oo laga baqayo inay qarnigan soo baxaan halkaas ay ku lunto Nus qarni uu maraykanku ahaa (Unipolar)oo adduunka siduu doono u tallaabsanayay ka dib markii ruushku lagaga adkaaday dagaalkii Qaboobaa.

Dhinaca kale Somaliland oo jabuutti ay jaar yihiin Waxa u soo baxay fursado badan oo ay kaga faaiidaysan karto Dabaylaha Isbedelka Siyaasadeed ee Gobolka waxaana Somaliland la Gudboon inay Cid kasta oo soo cadhootta Qiil u baaddho,oo ay ka qabsato danteeda Sida ay jabuutiba ama waddan kastaa Danta qarankiisa uga uga eegayo arrin kastaba ,waxa suurto gal ah in maraykanku u soo lugo Fidsado Dhinaca Somaliland uuna u baahdo saldhig labaad oo uu geeska Africa ku yeesho kasna waxa laga yaabaa inuu xagga Somaliland fursadi uga banaanaato,jaanis ayaa halkaasna ka soo bixi kara ay Somaliland uga faaiidaysato Siyaasadeeda arrimaha Dibadda.

Arrimahan oo dhami waxay Ka dhigi karaan Xeebta Somaliland meel camiran oo caalamku isugu yimaaddo oo halkaas ay ku hadho sannado badan oo Somaliland go doon ka ahayd Calamka,waxayna Somaliland u egtahay inay noqoto Siraadka Geeska iyo bariga Africa.

Mar uu qudbad ka jeedinayay madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Xafladdii 8 march ee maalinta haweenka adduunka ayuu ku difacay Heshiiska soo dhamaaday ee sadex geesoodka ah (Trilateral) Somaliland,Ethiopia iyo Dp World waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay iyo hawo been Hadalkii ka soo yeedhay Raiisal wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia Xassan Ali khyre Waxaanu madaxweyne muuse biixi Hoosta ka Xarriiqay in Marsada BERBERA iyo Somaliland ay noqon doonto meel Caalamku ku kulmo,arrintan oo imika saadaasheedu soo muuqato, Insha Allah.

ย Rashiid Odowaaย  khadarsalaan@gmail.com