Siday dunida u saamaysay?
Muddo week gudihiis ah ayay dhacday in basaaska Ruushka ahaa(Sergei Skripal) iyo inantiiSII lagu sumeeyay magaalada Salisbury ee Carriga Ingiriiska,arrintan oo kicisay xiisad kulul oo diplomasiyeed waxa markiiba lagu eedeeyay Xukuumadda ka talisa waddanka Ruushka ee hoggaamiyaha ka yahay Vladimir putin oo dhowaan mar labaad ku guulaystay Xukunka dalkaas,
Isla markiiba Dowladda Ingriisku waxay kaga jawaabtay inay waddankeeda ka caydhiso 23 Diplomacy oo ruush ah isla markaana waxay albabada isugu laabtay Qunsuliyado dhowr ah,waxa markiiba ku raacay waddanka maraykanka oo 60 Diplomacy caydhiyay waliba 12 ka mid ahi yihiin shaqaalaha Qaramada Midoobay u jooga New-york,
Midowga Yurub,wadanka Ukrayn iyo cannada ayaa iyaguna tiro 40 diplomacy oo ruush ah caydhiyay,isla markiiba Ruushka ayaa ka jawaabay isaguna waxay caydhiyeen 23 diplomasi oo Ingiriis ah.waxayna arrintii noqotay (Tit for that)ama midi midi ku taag,arrintan oo lagu tilmaamay Xiisad diplomasiyadeed tii ugu adkayd inta la ogyahay.
Raiisal wasaaraha dalka ingiriiska Theresa may ayaa sheegaty in 130 qof la baadhayo ilaa 50 qofna ay waxyeello soo gaadhaysababta la xidhiidha Sumaynta la sumeeyay ninkaas odayga ah iyo inantiisa,(Uma dulqaadan karno in waddankayaga la baabiyo ilbaxnimada aanu la wadaagno Dunida,habka noocan ahina waa dhaqan badownimo ayay tidhi)
Haddii loo eego sharciyan waddanku wuu eryi karaa Diplomasi waddan kale leeyahay haddii xadgudub ka yimaaddo diplomasiga martida ah Sida uu dhigayo Xeerka (Vienna Convention)Qodobada 9,41,iyo 42 Xor ayay waddan inuu caydhiyo diplomasiyiin ama xadgudub ha ku eedeeyo ama iskiiba ha u Sannifo e,waxa se is weydiin mudan Dil dilaaca iyo Xiisadda illaa heerkaas kacday maxay u muuqan kartaa,
Horta marka koowaad waxaynu markaaba dareemaynnaa isku xidhnaanta reer Galbeedku inay markastaba shaqaynayo,oo arrinkoodu uu yahay (New World Order)inaad nala jirto iyo inaad naga jirto waxba kama dhexeeyaan,Siyaasaddan oo Maraykanku hir geliyay Xilligii uu Duullaanka Ciraaq ku qaaday 2003,waxa kaloo inoo iftiimaysa in gaashaan buurta NATO ay sideedii u shaqaynayso halka gaashaanbuurtii WARSAW iyadu ay bari hore Cabtay,markaas ruushka Nin tolwaayay dheh,
Dhinaca kale waa arrin sii murgin karta loolanka iyo cadaawadda ay reer Galbeedka iyo ruushku isku hayaan,waxayna Cidhiidhi gelin kartaa Xidhiidhka Diplomasiyadda adduunka,waxayna u muuqattaa mar marsiiyo Ruushka lagu naafaynayo mar kale iyadoo dhawaan Ruushku sheegtay inuu Quwaddiisii soo noolatay,
Waxa kaloo meesha ka muuqatta inuu ruushku Garab la yahay oo aanu haysan Cid u hiilisa af iyo Addinba,waxa saxiib ugu dhow shiinaha oo isaguna ku mashquulsan Dhaqaale,iyo sidoo adduunka oo dhan alaabtiisa uga iibin lahaa Sidaas darteed wuxuu ciyaarayaa Shiinuhu Diplomasiyadda Aamusan.
Ruushka ayaa aad uga xumaaday Diplomasiyiintiisa la eryay Afhayeen u hadlay ruushka (Dimitri peskov),wuxuu ku tilmaamay arrin foolxun ย tallaabadaa ay dowladda maraykanku ku kacday,waxaanu ku ballan qaaday inay ka aargudan doonaan waxayna sheegeen inay ka fiirsanayaan tallaabada ay kaga jawaabayaan,Si kastaba ha ahaattee bal aynu eegno waxa ay dhasho arrintani,
Rashiid Odowaaย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย
Khadarsalaan@gmail.com