Dalagyada Beeraha iyo Xikmada ku Dheehan (WQ: Ahmed M. Elmi)

Sidaad la socotaan midhiha kasoo go’a dhirta nooc kasta wuxuu leeyahay waqti uu ku dhalo laguna goosto.  Xiliyada kuleyka nooc ayaa soo go’a sidoo kelena qabowga noocyo kale ayaa soo go’a. Maxay tahay haddaba xikmada aan kala soo bixi karno halkaa?

Xabxabku waqti xagaaga ee kuleyka ayuu soo go’aa waayo jidhka dadku wuxuu u baahan yihiin cabitaan haraadkuna waa badan yahay. Kawaran haddii waqtiga qabowga uu soo go’i lahaa xabxabku!

Iminka waqti qabow ayaynu galney, waxaa soo go’day liin macaantii. Waxaa qobowga aad u kordha hargabka, jidhkuna wuxuu u baahan yahay Vitamin C si difaaciisu u kordho.

Labadaas oo keliya hadeynu u fiirsano, waxaad ka fahmi kartaa in Illaahay xikmadiisa ay wax kastaa ku saleysan yihiin oo uu ugu talagalay in bani Aadmigu baahidiisa hadba ta jirta isugu beego. Midho kastaana ay soo go’ayaan marka jidhka iyo caafimaadka dadku u baahan yahay.

Waxaynu marka odhan karnaa , saytuunka cun marka uu saytuunku soo go’o, marka muusku soo go’o muuska cun, marka shamaamku soo go’ona shamaam cun. Waayo waxa suuragal ah in jidhkaagu u baahan yahay waqtigaa cunida midhahaa.

Dhinac kale haddii aynu ka eegno xikmada Illaahay u kala qeybiyey midhaha soo go’aya. Qofka beeraleyda ee midhaha beerta ka waran haddii ay hal mar soo wada go’i lahaayeen saytuunkii, xabxabkii, liintii iyo babaaygii! Waxa ku dhici lahayd masaariif la’aan  sanadka intiisii kale maadama hal xili oo keliya ay usoo wada go’een.

Wax u fiirso intaad meelahaas mareyso aayaad iyo cibro ayaa kaaga kordhaaya.