Damaca Itoobiya ee Saylac Masar ayaa Joojin karta W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Raysal wasaaraha Itoobiya muddo saddex bilood uu u hadlay afar jeer ayuu soo hadal qaaday dekedaha dalalka ay jaarka yihiin, gaar ahaan Saylac.
= Dhaqanka Raysal wasaaraha Itoobiya waa mid laga deriyey markii uu xilka qabtay, oo waxa lagu sheegay fudeyd siyaasadeed inuu leeyahay. waa kii damcay inuu Farmaajo Hargayso keeno.
= Haddaba si aanu u soo socon damaciisa ku dhisan hadalka ee doonista Saylac, waa in wefti Masaari ah oo weliba Milatari ah booqasho lagu keenaa Saylac. markaasi ayaa ugu dambayn doono inuu soo hadal qaado.
= Masar tan iyo markii ay Soomaalidu qaadatay xorriyada waxa ay raadin jirtay meel ay ka soo gasho Soomaalida si ay Itoobiya uga mashquuliso biyaha webiga Niilka ee ay muddo dheer isku haysteen.