“𝗔𝘄𝗱𝗮𝗹 𝗦𝘁𝗮𝘁𝗲 𝗺𝗲𝗲𝗹𝗻𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮𝗺𝗮 𝗷𝗶𝗿𝘁𝗼 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱”𝗦𝗮𝘆𝗹𝗶𝗰𝗶.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Awdal State aanay ahayn wax suuragal ka ah Somaliland.

Saylici iyo wasiiro kale oo gobolka Awdal ku sugan ayaa iska daba maray in arrinta Awdal State, ee maalmahan warbaahinta laga maqlayay aanay ahayn wax suurogal ah.

Waxaanu yidhi.”Qaranka laba qolo kama wadataliso, Awdal State meelna kagama jirto qaranka Somaliland, Alle kama rajaynayno 4 qof oo halkan iskugu soo ururta in aynu noqono, qaran ka qurux badan oo Somaliland la yidhaa ayaynu haysana”

Waxa uu sheegay in dad meelaha dibadaha ku shiraa aanay go’aamin karin masiirka reer Awdal.

Waxaanu yidhi.” Hadad aragteen 4 qof oo meelaha ku shira, garaadkiina siyaasiga ahi in uu kor u kaca loo baahanyahay, masiirka umada reer Awal ma hayaan 4 inamood oo dibada jooga”.

Waxa uu sheegay in Awdal aanay cidkasta u talin karin, balse isaga iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda ka tirsan ee gobolka kasoo jeeda ay masuul ka yihiin masiirka dadka gobolka.

Wasiirada kale ayaa sheegay in Laascaanood iyo Boramaba ay yihiin laba magaalo oo Somaliland ka tirsan oo aan sina uga gu’i karin.