𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗶𝗯 𝗨 𝗘𝗲𝗴𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗦𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗙𝘂𝗿𝗺𝗮𝘆 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗮𝘆𝘀𝗮

𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗶𝗯 𝗨 𝗘𝗲𝗴𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗦𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗙𝘂𝗿𝗺𝗮𝘆 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗮𝘆𝘀𝗮

 

“𝗗𝗵𝗮𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗻𝗼𝗾𝗼𝘁𝗮𝘆 𝗛𝗮𝗻𝗴𝗼𝗼𝗹 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗷𝗶𝗿𝘁𝗼 𝗮𝗺𝗮 𝗾𝗮𝗯𝘆𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱 𝗹𝗮 𝗮𝗱𝗲𝗲𝗴𝘀𝗮𝗱𝗼…” 𝘄𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗖𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮

𝗛𝗔𝗥𝗚𝗘𝗬𝗦𝗔 – Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda, iyo Ciyaaraha JSL ayaa dhalinyarada dalka uga digay in loo addeegsado arrimaha qabyaaladda, iyo waxyaabaha bulshadda kala fogaynaya.

Waxaanu sheegay wasiirku in dhalinyaradu ay noqdeen Hangool loo baahdo marka doorashooyinka ay xisbiyadu gelayaan ama xaalad kale oo qabyaaladeed ay timaado.

Sidaas darteed na dhalinyaradda looga baahan yahay in ay ka fogaadaan wax kastoo aan faa’iido u lahayn mustaqbalkoodda iyo horumarinta dhalinyaradda.

Wasiirka Dhalinyaradda, iyo Ciyaaraha Somaliland Ibraahin Xirsi Jaamac, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shirka dib u eegista Siyaasadda Horumarinta Dhalinyarada Somaliland oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

Shirkaasi oo shalay ka furmay caasimadda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha dhalinyaradda.

Ururada maxaliga ah ee u dhaq dhaqaaqa horumarinta dhalinyaradda, jaamacadaha dalka qaarkood, aqoon yahano, xildhibaano, agaasimeyaal guud, boqolaal dhalinyaro ah, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda, iyo Ciyaaraha JSL Ibraahin Xirsi Jaamac, oo shirkaasi furay ayaa sheegay siyaasadda wasaaradu ay tahay sidii looga shaqayn lahaa horumarinta arrimaha dhalinyaradda.

Waxaanu yidhi “Ka wasaarad ahaan waxaanu ballan qaadaynaa in aanu diyaar u nahay sidii siyaasadaasi ay u hirgeli lahayd. Waxaanu balan qaadaynaa in aanu dhalinyarada dhiiri gelino. Waxaa dhalinyarada lagu tilmaamaa in ay bulshadda ka yihiin 70%”.

Ibraahin Xirsi Jaamac, waxa kaloo uu sheegay in markii dib u eegista lagu samaynayay siyaasadda horumarinta dhalinyarada inuu soo jeediyay in lagu darro dhalinyarada naafada ah.

“Waxaan ka codsaday guddiga soo diyaarinaysay siyaasadani, in dib u eegista siyaasadda dhalinyaradda lagu darro, dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba” Ibraahin Xirsi Jaamac, wasiirka Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland.

Sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay in saamaynta xun ee ay qabyaaladu ku keentay dhalinyaradda.

Waxaanu yidhi “Dhalinyaradu waxay noqotay Hangool, marka reerku guurro la xasuusto. Marka doorasho jirto, ama xaalad kale timaado ayaa la adeegsadaa. Doorashadu waa tartan.

Inagu dhalinyaro ahaan aynu isku tashano, oo wixii inaga maqan aan raadsano, oo aynu is kaashano”.

Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in ay doonayaan sidii dhalinyarada loo horumarin lahaa, sida garroomada ay ku ciyaaraan, tababarada kor loogu qaadayo xirfadaha, iyo aqoonta dhalinyarada, iyo waxyaabaha kaleba.

Dhinaca kale wasiirka Ciyaaraha Somaliland ayaa ku amaanay haayadda UNFPA sida wanaagsan ee ay ula shaqayso, isagoo na ugu baaqay dhamaanba haayadaha kale in ay kala shaqeeyaan arrimaha dhalinyaradda.