Dawada COVID-19 Ma Ninka Cad (Reer Galbeed) Ayuunbaa Heli Kara? (WQ: Khadar Maxamed Muxumed)

Dr. Xuseen Bulxan ayaa waxa uu 2015-kii daabacay maqaal cajiib ah oo uu kaga sheekaynayo heerarka uu maray gumaysiga Afrika oo ciwaankiisu ahaa “Stages of Colonialism in Africa: From Occupation of Land to Occupation of Being”. Dooddiisu waxa ay tahay in Afrika markii hore dhulkeeda la qabsaday laakiin markii dambe dadkeeda jiritaankooda dhan la qabsaday. Saddex heer oo waaweyn ayuu maray gumaysiga Afrika oo kala ah: Classical Colonialism, Neocolonialism iyo Metacolonialism (oo ah dood uu Bulxan la yimid). Kan u dambeeya ayaana ah ka ay hadda Afrika ku jirto.

Metacolonialism waa nooc gumaysiga ka mid ah oo aad u qoto dheer, isla markaana lagu gumaystay dadka Afrika jiritaankooda oo dhan. Tusaale ahaan, waxa la aaminay: Reer Galbeedku way innaga maskax badanyihiin, maal badanyihiin, awood badanyihiin, qurux badanyihiin, dhulkooda ayuunbay xorriyad iyo fursado nololeed yallaan, lacagahooda ayaa dunida oo dhan ka dhaxeeya oo la adeegsan karaa, xeerarka caalamiga ah ee ay dunidu ku kala socotaa waa kuwa ay iyagu dhigaan, guulaha nolosha waxa lagu qiimeeyaa wixii maadi ah ee la haysto, dawladnimadu waa ta ay iyagu dhigeen, dhaqammada iyo diimaha aan kuwa Galbeedka ahayni way dambeeyaan oo nolosha casriga ah lama jaan qaadi karaan, DAAWAYNTOODA iyo BAADHITAANKOODA CAAFIMAAD ayuunbaa ah mid sayniska waafaqsan oo lagu kalsoonaan karo… Ma kula tahay in aynu koobi karno sida la innoo gumaystay? Jawaabtu waa maya ee aynu intan yar ku hakanno.
Haddaba, beryahan waxa jira dad badan oo Soomaali (iyo Afrikada kaleba) ah oo sheegay in ay dawo u hayaan xanuunkan dunida afeeyay ee COVID-19. Isla daqiiqaddaa warka la maqlo ayaa nimankaa dagaal ba’an lagu qaadaa. Ujeeddaduna waa in aanay lahayn garasho, awood iyo aqoon ay dawo ku keeni karaan. Dawada iyo tallaalkaba waxa laga sugayaa ninka cad ee Galbeedka dunida ku nool. Isaga ayaa innaga maskax badan, aqoon badan oo karti badan. Keligii ayaa keeni kara dawada xanuunka, wixii ka soo hadhaana caafimaadka dadka ayey halis ku yihiin, lagumana kalsoonaan karo. Umadda ha laga qabto. Ha la xidho.

Madaxweynaha Madagascar ayaa ku doodday: “sababta keli ah ee ay WHO u aqbali weyday dawada aannu xannuunkan u helnay waa in dawada Afrika lagu sameeyay” waxaana uu ku adkaystay in ay dawada tijaabiyeen in ay xanuunka la taacaali karto, isla markaana ay Afrikada kale lacag la’aan ku gaadhsiinayaan.
Waa run oo ninka Burco ama Hargeysa jooga dawada uu sheegay in uu hayo nidaam scientific ah may marin oo 100% kuma kalsoonaan karno in ay xanuunka dawo u tahay. Xanuunka in la fahmo saynis ahaan ayaa ka horraysa in dawo loo helo, taasina in ay maqan tahay waa la dareemi karaa oo keliya waxa ay ka duuleen astaamaha muuqda ee xanuunka.

Mid baa se aniga ila qaldan: in aynu aammino in aanuu qof inna dhex joogaa dawoba keeni karin oo aanuu lahayn awooddii, aqoontii iyo garashadii ninka cad ee aynu dawada ka sugayno.

Gumaysi aan xad lahayn ayaa innagu habsaday.