Guddiga doorashooyinka qaranka Itoobiya oo ruqsadda kala noqday 27 xisbi siyaasadeed

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay xisbiya siyaasadeed oo aan buuxinin shuruudihi looga baahnaa inuu ruqsadda xisbinimo kala noqnay.

Xisbiyadaasi oo badankood shuruucdii hore ee u yiillay guddiga doorashooyinka Itoobiya lagu diiwaangeliyey ayuu guddigu dib u habeyn ku sameeyey qaabka xisbiyada loo diiwaangeliyey ka hor inta aan la gaarin doorashada dalkaasi ka dhaceysay.

Wuxuuna guddigu sheegay 13 ka mid ah xisbiyada shuruudaha xisbinimo buuxin waayey in rusqada xisbinimo lagala noqday.

Sida oo kalana 14 xisbi oo guddiga doorashooyinka uu ugu yeedhay iney soo dhammeystiraan dokumantiyada looga baahnaa oo aan ka soo jawaabin u yeeritaanka guddiga sida oo kale ruqsadda lagala noqday.

Guddiga doorashooyinka Itoobiya wuxuu intaa ku daray 106-da xisbi siyaasadeed ee dalka Itoobiya ka jira 76 ka mid ah oo shuruudihi looga baahnaa soo buuxiyey, in aqoonsiga xisbinimo loo cusbooneysiiyey.

2 xisbi oo siyaasadeed oo iyaguna dhibaato gudaha xisbigaasi ka jirta awgeed aan shuruudda soo dhammeystirinna waxaa loo qabtay muddo ay ku soo dhammeystiraan wixi macluumaad ah uu guddigu ugu baahan yahay.

Xisbiyada siyaasadeed ee rusqada xisbinimo lagala noqday waxaa ka mid ah laba xisbi oo deegaanka Soomalida ka soo jeedda xisbiyadaasi oo kala ah:

1)Xisbiga Midnimada Soomaalida (SUP) iyo

2)Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda Shacabka Diil wabi (DPDM)

Dalka Itoobiya oo ay ka diiwaangashan yihiin xisbiya siyaasadeed oo ka badan 100, inkasta oo ay qaar ka mid ah xisbiyadaasi ay khadka ka baxeen oo ay tirada xisbiyadu xoogaha isdhintay haddana weli xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa ah kuwa aad u badan.

Dalka Itoobiya oo lagu waday doorashada guud oo shanti sanaba mar la qabto iney ka qabsoonto bisha August ee sanadkan 2020 ayaa dib loo dhigay cabsi coronavirus laga qabo awgii, inkasta oo aan wakhtiga rasmi ah oo ay doorashada ku dhaceyso weli la shaacinin.

Xigasho: BBC Somali