Dawladdu maxay u daryeeli weyday Hadraawi? (WQ: Maxamed Raaxeeye)

Waxay ahayd abaara 10-Kii subaxnimo markii aan tegey guriga uu Abwaan Hadraawi  ka degan yahay magaalada Burco.

Ujeedada aan u tegay Abwaanka waxay ahayd in aan soo eego Abwaan Hadraawi, waanan ku faraxsan ahay in aan u tago.

Waxaan guriga ugu tegay Hooyo Hodan oo ah xaaska Abwaan Hadraaw iyo Abwaanka oo keliya bariido iyo bogaadin kadib, waxaan waraystay Hooyo Hodan aniga oo doonaya in aan u guur galo noloshooda.

Illaahay mahadii way wanaagsan yihiin, caafimaadna waa u dheer yahay, haddaba waaxa meesha ka maqan waxyaabihii loogu talagalay ee ay lahaan jireen dadka taariikhda leh ee dunida.

Hadraawi waa ninka ugu taariikhda weyne Soomaalida oo dhan, waxa nasiib u heshay in uu ka dhasho Somaliland gaar ahaan Burco oo ah halka badiba ay ka soo jeedaan dadka magaca ku leh Somalialnd.

Dunida dadka magaca leh waa la maamuusaa, xataa waxa qaar loo sameeyaa taalooyin iyo meeqaam sare oo lagu muujinayo  taariikhdooda. Hadraawi waxa uu u muuqdaa mid ay guud ahaanba ilowday xukuumadda Somaliland waxaana meesha ka maqan daryeelkii laga doonayey in loo muujiyo Abwaanka maadaama uu yahay maanta nin da’ weyn ah oo aan lahayn xoog uu ku shaqaysto.

Waxa guriga Abwaanka yaalla gaadhi uu lahaa oo u dayacan dirawal la’aan taasi oo ay gaadhay in ay xaaskiisu ka kaxayso guriga, gaadhigan dawladda ayaa tahli kari weyday in ay dirawal u samayso Abwaan Hadraawi oo uu hore uga codsaday dawladda, balse aaanay wali ka soo jawaabin.

Waxa ugu dhow Golaha Deegaanka Burco waxaanay awoodi waayeen in ay guriga Abwaanka ka hagaajiyaan, xaaska Abwaanka ayaa waxay ii sheegtay in ay Golaha deegaanka Burco ka codsadeen in laga guro geedka garan-waaga la yidhaah oo ka baxay agagaarka guriga, balse ay yidhaahdeen soo kiraysta cagafta guraysa geedahaas.

Dawlada Somaliland wax badan ayey balan u qabatay Abwaanka, balse habayaraateee wax ka suurtoobay ma jirto balamahaas waxaana guud ahaanba la ilaabay daryeelkii loo samayn laha Hadraawi oo ahaa halyey ku suntan Qaranka Somaliland.

Haddii ay sidan ku sii socoto waxa dhici doonta in ay sidii hore loogu dayacay dadk magac ku lahaa Qaranka in maalinta uu waqtigiisu soo galo ay ku soo hamba-baraan aas-qaran ha loo sameeyo, waar maanta ayuu nool yahay oo daryeel caafimaad iyo midkaleba idiinka baahan yahay ee ha la ogaado Abwaanka.

 

Waa Qalinkii Maxamed Raaxeeye.