Obama waxa uu booqasho ku marayaa Jarmalka

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama waxa uu booqasho ku marayaaย dalka Jarmalka, halkaas oo la filayo in uu kulan kula yeesho hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayna ka wada hadlaan dhaqaalaha dunida, argagixisada iyo qodobo kale inta uu socdaalka ku joogo Jarmalka.

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale booqday dalka Ingiriiska halkaas oo ay ka wada xaajoodeen arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay ganacsiga.

Inta uu joogo Jarmalka ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furo carwo ganacsiyeed lagu soo bandhigo arrimaha teknoolojiyadda casriga ah, taas oo la filayo in ay ka qayb galaan illaa 6500 oo ganacsato ah iyo in ka badan 200,000 oo dadweyne booqanaya carwadan. Waxaan dadkani ka kala socdaan illaa 70 waddan.

Aqalka Cad ee dalkan Maraykanka ayaa sheegay in carwadani ay muujinayso muhiimadda iskaashiga ee Jarmalka iyo Maraykanka gaar ahaan dhinaca ganacsiga iyo dhinacyo kaleba.

bandhige@gmail.com