Dhudi iyo Jinaw, sidii warka dhiillada leh loogu soo sheegay, subax kasta marka ay barqada tahay ayay u war-doon tagaan magaalada, si ay u ogaadaan oosha, haybta iyo reeraha uu ka dhashay wiilka yar ee dhawaan libaaxu qaatay. Casar kasta, oo jimce ah inta ay Jinaw shaadali kariso, ayay iyada iyo Dhudi u qaadaan masaajidka iyo mal-caamadda cariishka ah ee isku dheggan, ee uu haysto xerowga quraan-ruugga ah, iyo ardaydiisa qalin-leefta ah. Si faah-faahsan ayay ugu sheegaan xerowga, in qaradka iyo ujeeddada shaadaligu tahay in ay ugu duceeyaan, inanka yar ee libaaxu qaatay in aanu noqon Cali-mahad.
Dhudi, waxay halkii ay ku gunudday ka soo furtay, boqol iyo afar iyo siddeetan-kii rubbood ee ay ka biirsatay xooggeeda, muddadaa labada sano ahayd. Haddii la yidhaahdo, naftaada iyo intaa aad biirisayba Cali-mahad ha lagu furto waa ay ku furan lahayd! Afar iyo toban caano-maal ayay ku qaadatay in ay ogaadaan, dhab ahaan in wiilka yar ee libaaxu la tegay aanu ahayn Cali-mahad. In kastoo ay Dhudi iyo eeddadeed Jinaw isku si u farxeen, haddana Dhudi maalintaa laga bilaabo, ma ay seexan hurdo wanaagsan. Haddii aan habeen la hor-keenin Cali-mahad, habeenka labaad waa u sas iyo in ay Cali-mahad baadh-baadho, marka ay waydana dib uma seexatee, habeenka inta hadhay waxay ku laasataa soo-jeed iyo laba-boglayn. Waxay ku hammidaa, iyadoo Cali-mahad dib gacanteeda ugu soo noqday, oo inta ay u dhaashisay, dhabannadana ka dhunkatay, oo u dirtay mal-caamadda ku taalla magaaladan ay ku nooshahay, ee uu xerowgu haysto. Goor dambe, ayay is-tidhaahdaa, iminka gacantaadaba kuma jireee, horta bal u ducee, in aanu libaax qaadan! Kolkaasay ducada ku dartaa “Allahayow Waxa Lagaa Baryo Lagaama Waayee, Curadkaygii Isagoo Nabad-qaba Gacantayda Ku Soo Celi”. Baaxaa-deggaa, ayay habeenkii inta badan ku jirtaa.
Dhowaan, ayaa subax keliya dawladdii ingiriis inta ay ciidammo bilays cusub ah, oo dhallin-yaro u badan keentay, ayaa la raray ciidammadii hore iyo xaasaskoodiiba. Dhudi iyo Jinaw waxay u ballameen, in aanay shaadaliga joojin. Taa beddelkeedana, ay ka dhigaan raatib ay jimce walba geeyaan masaajidka iyo malcaamadda isku dheggan ee cariishka ah, oo ay ka ducaystaan, qalin-leefta iyo gadh-casta masaajidka ka ag-dhow gabbal-gaabadka. Jinaw, dhankeeda waxaa ay jeclaan lahayd in odaygeedii dib loogu soo celiyo, oo ay iska weheshato, laakiin iyadu uma wer-werin odaygeeda si la mid ah sida Dhudi uga wer-wersan tahay curadkeedii.
Kildhiga shaaha ah ee shaadaliga ah iyo koobabka lagu cabbayo, galab waxaa qaadda Jinaw, galbo kalena waxaa qaadda Dhudi. Galab ka mid ah, galbihii Khamiiseed ee shaadaliga ay Dhudi qaadi jirtay, kolkii shaahii ay cabbeen aradydii, macallinkii iyo odayaashii, oo ay is-tidhi ku noqo oo soo qaad kildhiga shaaha laga cabbay iyo koobabkii, ayaa waxaa soo raacay laba nin oo bilayska cusub ee magaalada la keenay ah. Waa Cige iyo Daahir, oo ah saaxiibbo isku bartay dhibboogii ay ka soo baxeen kal-saddexaad. Inta Dhudi si fiican loo nabdaadiyay, ayaa weliba la xiloodiyay. Inta ay xishood aawadii jidhidhicootay, ayay wax ay ku hadasho garan wayday. Waxay u qaadatay in ay ku jees-jeesayaan. Goor dambe, oo ay ku soo dhowdahay gurigii Jinaw, ayay nimankii u sheegtay, in aanay inan-rag waxba kaga xidhnaynoo, hagar-daamaduu baday aawadeed, geeleediiba cirka lagu maalayo. Labadii nin sidaa kagama ay hadhine, waxay la soo galeen qol-qolkii guriga Jinaw. Haddii islaantii ay arkeenna, waa nabdaadiyeen, oo umaba qarine u sheegeen, in gabadha dhegtan leh, ay dani ka hayso oo ay doonayaan in ay la sheekaystaan. Jinaw, waa mici-maraarrey si fiican u kala taqaan inan-rag ninka ay ka dhab-tahay inuu reer samaysto iyo ninka ilaaq la socda, hadalka uma badh-badhine, intay hadal duur-xul iyo daalacan-ba leh isu daba joojisay, ayay nimankii waxay eriday inta waraabe la eryo! Goor dambe, oo ay iyana tegi waayeeen, ayay hadal waxay ku soo koobtay, Jinaw “Ninkii ay dhab ka tahay, inuu gabadha dhegtaa leh xiloodiyaa, hortayda iyo goob aan fadhiyo goob ahayn waxba ugu go’i maayaane, ha ku abshiro!”
Labadii nin waa aqbaleen shuruuddii ay Jinaw ku xidhay, Cige ayaa midh kaftan ah ku yidhi Dhudi iyo Jinaw oo wada jira “Markhaati oo aad noo kala ahaato mooyaane, malahay gabadha quruxdaa leh adigoo xaawalay ahi guddoonkeeda kama dambaysta ah ma lihid!”. Dhudi oo aan hadlin, ayay Jinaw u hal-celisay Cige, oo ku tidhi “Waad arki!”,
La soco.
W.Q: Maxamuud Axmed Oday
moxamud_oday@yahoo.co.uk
Burco, Somaliland