Ummad wal oo caalamka ku nool, khiyaamo lagu maamulo ayaa loo sameeyay, khiyaamadaa waxaan u bixiyey 11-kii Sibtambar, maxaa yeelay gaalada ayaa maalintaa u bixiyay (The greatest hoax in history) khiyaamadii ugu waynayd taariikhda.
Gali maayo caalamka kale laakiin teena ayaan ka hadlayaa, khiyaamada Soomaaliya lagu maamulaayo waa isu tagii woqooyi iyo koonfur sida loo dajiyey.
Nin Soomaaliyeed ayaa buug ka qoray buuga waxa la yidhaa (All in the family by Mohamed Sh. I Hujaaleh). Wuxuu ku qoray kulankii ay kulmeen wafdigii woqooyiga iyo maamulkii koonfureed wixii ka soo baxay.
In dawladda cusub ay yeelato afar iyoย toban wasaaraddood, in woqooyiga la siiyo afar wasaaraddood oo kaliya.
Sidii xilalka loo qaybsadayna ay ahayd sidan:-
- In madaxwaynuhu noqdo mid koonfur ka yimaad.
- In raiisal wasaaruhu noqdo koonfur.
- Waiirka Daakhiligu inu noqdo koonfur.
- In wasiirka arimaha dibadu noqdo koonfur.
- In janananka boolisku uu noqdo koonfur.
- In jananka ciidamadu noqdo koonfur.
- In wasiirka maaliyadu noqdo koonfur.
- In caasimada noqoto koonfur.
- In guriga parliamentarianku noqdo koonfur. T
- In sharciga waddanka lagu maamulaaya noqdo ka koonfureed.
- In heesta calanku noqoto ta koonfureed.
Caqli ayuu Illaahay ina siiyey si aynu u fikirno oo qaladka iyo saxa u kala garano, waar dadka waxaa aqbalay sidee ayay ahaayeen bal xukuma, miyey waalaayeen, miyey miyir qabeenm, mise u kas ayuu ka ahaa, anigu kolay waan xukumoo u kas ayuu ahaa, bal idinkuna xukuma.
Qaarbaa siyaasiyiintii la socotay garawshiiyo siiya oo yidhaa muddo ha la sugo ayae yidhahdeen, oo laga diiday, bal u fiirsada dhacdo wal oo siyaasi ah oo dhacda ninka siyaasiga ahi waa nin nadiif ah oo la fahmi waayey, Boqor gaal ayaa kalmada laga hayaa
โAnd thus I clothe my naked villany, โฆ And seem a saint, when most I play the devil.โ (King Richard III)
Macnaheedu waxa weeyi dhar baan u xidhaa xumahayga qaawan si laymoodo wali, anoo inta badan xaga shaydaanimada matalaaya, horta ninka siyaasiga waa sidaa.
Qaarbaa iyaguna ku dooda weftiigii waqooyigu waxay sidaa u yeeleen way iska soo horjeedeen, ย iska soo horjeedkaas waa filimada loo matalo maxasta iyo garaad-gaabka, daaha dabadiisa laakiin way ku kulmaan waanay isla ogyihiin riwaayada ay matalayaan waayo gaalkii ayaa ku soo tababary munaafadaa.
Markaa seeskaaa xun ee aan u bixiyay 11-ka Sibtambar Soomaaliya, waa ka maanta Soomaali halkaa dhigay ee ay ka soo kaban laadahay, dadkuna kuma baraarugsana qaladkaa maxaa yeelay kuwii dhigay ayaa wali ina hoggaaminaya inoona indho ah walibana ka awood badan sidii hore, hantidii oo dhanna gacanta ku dhigay haddii ay dhaqaale tahay iyo siyaasad oo waliba si la yaab leh iskugu xidhan.
Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:
Luqadee ayaa wax lagu baranayaa
Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn
Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday
Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega
Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?
Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?
Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa
Maxaad ka taqaanaa dadka waala?
Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?
Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?
Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay
Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com