Madaxweyne Obama waxa uu ka hadlay xaaladaha Suuriya iyo Liibiya

Madaxweyne Obama ayaa mar kale sheegay in ay ka go’antahay in si toos ah tilaabo militari xukunka looga tuuro Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad aysan xalineynin colaadda waddanka Suuriya.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in cadaadiska caalamiga ah ee la saarayo dhammaan dhinacyada oo ay Ruushka ku jiraan ay keeni karto in ay ka wada-xaajoodaan nidaam siyaasadeed oo ku meel gaadh ah oo ka hirgala Suuriya.

Sidoo kale waxa uu Obama sheegay in talaabdaasi aanay adkaan doonini. Waxa kale oo uu sheegay Madaxweynuhu in la sii wadayo duqeynta ka dhanka ah Ururka Daacish ee ku sugan Suuriya, taas oo barbar socota dadaaladda lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye.

Madaxweyne Obama oo BBCda siiyay wareysi dhinacyo badan taabanaya ayaa sheegay in uu aaminsan yahay mashaakilka ka jira caalamka uu u baahan yahay xal caalami ah.

Mar uu Madaxweynuhu ka hadlayay arrimaha dalka Liibya, ayaa uu sheegay in ay cid walba dan ugu jirto in dawladda shaqeyneysa dalkaasi laga yagleelo.

Waxaa uu intaa ku daray Obama in ay saameyn weyn ku yeelaneyso talaabadaasi ololaha lagu jabinayay Ururka Daacish, sidoo kalena ay wax weyn ka tareyso sidii loola tacaali lhaa muddada fog qalalaasahaa soo galootiga ee saameynaya dalalka Yurub.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in uu weydiistay dhammaan xulufadiisa gobolka Bariga Dhexe in ay fursad siiyaan dawladda qarameedka lagu heshiiyay ee dalka Liibiya iyagoo isticmaalaya galgalka ay ku leeyihiin maleeshiyaadka Liibiya si loo go’doomiyo Ururka Daacish, looguna ogolaado kooxaha kale in ay midoobaan.

bandhige@gmail.com