Maxay ku kala duwan yihiin jaahiliyadii hore iyo ilbaxa reer Yurub (WQ: Qareen Khadar Aar)

Qofkasta Illaahay waxa uu u sameeyay qaab iyo samays uu kaga duwan yahay qofka kale, ma jiro adduunkan qof, qof u eegi xataa haday mataano uur kasoo wada baxay yihiin waxa jira wax badan oo ay ku kala duwan yihiin.

Dhamaan bini-aadmiga waxa wada haysata kalsooni darro iyo qawadaad ay qawad san yihiin qaab dhismeedka Rabbi u abuuray iyo sida quruxda badan ee uu isugu jaangooyay ,in Illaahay u naxariistay mooyaane.

Sidiisaba Bini;aadmigu waxa uu sharaf iyo karaamo ku leeyahay marka uu qaato kuna dhaqmo amarada iyo talooyinka wanaagsan ee kasoo fulaya Illaahii Khaaliga ahaa ee abuurtay, kaasi oo yaqaana waxa ay maslaxadoodu ay ku jirto, isaga oo u soo diray Rusul ay wax ka bartaan oo macalimiin u noqda .

Adduunkan aynu ku nool nahay bilawgiisii Aadam iyo Xaawo CS waxa soo jiray laba waxyaabood oo markasta is garab ordaayey kuwaasi oo kala ahaa wanaag iyo xumaan il-baxnimo iyo jaahil-jimo, markasta Rususha Illaahay soo diraa waxa ay dadka ugu yeedhaysay xaadarada iyo il-baxnimada fiican ee ku qotonta qaadashada amarada Illaahay iyo raacida Rususha uu soo diray.

Haddii si fiican loogu dhabo galo waa ay adag tahay in ay Dadku isku si u wada fahmaan waxa loo yaqaano badaw ย ama waxa loo yaqaan il-bax, qofkasta ama ummadkasta waxbaa la wanaagsan kadibna waxaas ayey u yaqanan il-bax, isla markaasi waxbaa la xun waxaasna waxa ay u yaqanaan badwi ama badawnimo.

Inta badan dadka maanta adduunka ku nooli waddamadan Yurubta waxa ay u yaqaana waddamadii dadka il-baxa ahaa, sidoo kale dadka ku dhaqan waddamadan gaalada sida reer Yurub iyo Maraykanka ย iwm, waxa ay isku yaqaanan dadkii adduunka ugu il-baxsanaa wixii iyaga ka soo hadhana waxa ay u yaqanaan dadkii adduunka u badawsanaa una liitay.

Haddaba waxyaabaha igu dhalliyey in aan qoraalkan qoro ayaa waxa ay yihiin:-

Maanta ayaa waxa aan soo raacay tareen kadibna waxa aanu kursi wada fadhiisanay wiil dhallinyaro ah oo da’diisa aan ku qiiyasay 24 Jir una dhashay waddanka iswidhan sida uu ii sheegayna waxa u ka qalin jabiyay jaamacad ku taala maagaladaย Gรถteborg.

biro 1

Wiilkasi dhammaan wajigiisa waxaa qariyay oo uu sida kuusha ugu taxay ribodho kuwasi oo uu ku wada qotomiyay wajigiisa intii badnayd, isaga oo ka raadinayay qurux ka badan midan uu haysto ee uu Rabbi siiyay. Ugu yaraan 20 xabbo oo ribidhadaasi ah ayaa wajigiisa ku wada lusha, qaarkood waxa ay leekanayaan fargalada aynu faraha galino.

Weelkasi dhallinyarada ah waxaanu sheekaysanay wakhti aad u kooban kadibna waxa aan waydiiyay waxyaabaha ku kalifay in uu wajigiisa qaabkan argagaxa u dhigo isaga oo qurux ka raadinaya kadibna waxa uu iigu jawaabay sidan:

โ€œMaan jeclayn in aan wajigayga qaabkkan aad arkayso in aan biro iyo ribidho ugu mud-mudo, waanan ogahay in aanay qurux isoo kordhinayn balse haddana waan iska jeclaaday, oo waxa aan arkay dad sameeyey.โ€

Waxa aan waydiiyey xiliyada uu rabo in uu wajiga dhaqdo waxa uu sameeyo iyo dhibta ay xiligaasi ku hayaan, waxa uu ii sheegay in uu sameeyo laba arrimood midood, kuwaasi oo kala ah:-

  1. in birkasta uu ka furo wajiga madaama loogu talagalay oo ay boolal leeyihiin.
  2. Mida labaadna waxa ay tahay ayuu yidhi, wiilkaasi in aanu wajigaba ka furin balse marka aan wajiga fool-dhaqayo aan si tar-tiiba wajiga biyaha u mariyo aniga oo ka ilaalinaya in gacantaydu ay dhaawac isoo gaadhsiiso.

Waa arrin lala yabee waxa kale oo uu sheegay in ay ribidhadaasi aanay ku koobnayn oo kaliya wajigiisa iyo intan muuqata, balse ay jidhkiisan hoose ee qarsoon ay sida tusbaxa ugu taxan yihiin, kaaga sii darane waxa uu ku leeyahay xataa cawradayda ayaa ka mid ah meelaha aan ku muday ee aan ka qotomiyey sida birta calanka. Qayb jidkayga hoose ka mida waxa aan ugu tolay ayuu yidhi, ribidhadan sida dunta dawaarka. waxyaabaha aan aadka ula yaabay markii aan wiilkaasi arkay waxa ka mid ah in ugu yaraan 6 ilaa 5 ribidhadaasi ay ku qotomaan Carabkiisa.

bino 2

Wiilkaasi dhallinyarada ahi waxa uu sheekada iigu daray in xiligii uu ribidhadan wajiga ku rakibayay ay kaga baxday Lacag aad u qaali ahi, waayo ayuu yidhi birahani midkastaba waa Lacag gooniya qaar ayaa dahab ah. Waxa kale oo soo raaca ayuu yidhi waxa aan qataa daawo iga ilaalisa in ay birahani ugu sameeyaan caabuq iyo nabaro, waayo ayuu yidhi waa ay igu cusub yihiin.

Waxa aan waydiiyay maxaa dhici kara hadii uu hadda iska furo iskana daayo madaama ay dhibaatooyinkaasi oo dhan ku hayaan, waxa uu i yidhi:

โ€œMa furi karo waayo haddaan furo waxa uu wajigaygii soo baxayaa dhammaan nabaro iyo dal-daloolo, markaa waxa muuqanaysa foolxumo aad u badan. ย Sidaas awgeed waxaan ku Khasban ahay in aan sidan aan hada ahay la qabsado una dhabar adaygo dhibkasta oo iga soo gaadhaysa.โ€

Sheekooyinka wiilkani iiga sheekeyay ee ah dhibatada ay birahani ku hayaan naftiisa ayaa waxa ka mid ahaa in uu iska ilaaliyo dagaal iyo wax la mida, waayo haddii aan dagaalamo ayuu yidhi markaba waxaa wajigayga soo gadhaya dhibaato wayn, waayo waxa aan ahay nin wajigiisa ay biro ka wada lushaan.

Waxa uu ii sheegay in uu ka taxadiro iskana ilaaliyo meelaha aad laysugu Jiidh-jiidho ee buuqu ku badan yahay, waayo ayuu yidhi waxaa dhici karta in dhawac iga soo gaadho dadkaasi isriix-riixaya ,ilayn waa nin tin iyo cidhib miinaysane.

Akhristaw haddii aad joogto waddamadan gaalada waxa laga yabaa in maalinkasta aad wajiga isku dhufataan amaba aadba istaqanaan qof sidan oo kale ah ,balse dadka waddankii ama Afrika iyo Carabaha jooga waxa laga yabaa in arrintan oo kale ay ku noqoto wax qariib ah, iyada oo aan ogahay in adduunku maanta uu wada noqday tuulo yar.

bino 3

Afrika iyo Eeshiya qaybo ka mida waxa ku nool dad Jidkooda Jar-jaray oo aad arkayso iyaga oo dibnahoodii kala dilaaciyey kadibna ka dhigay sidii gacan wayn oo kii maroodiga oo kale ah, taasi oo ay u arkayeen qurux iyo laan-dheeronimo, qaarkood waxaba laga saara dhammaan ilkaha iyaga oo u haysta qurux.

Inta badan dhaqamada jahliga ah ee laga sameeyo waddamada Afrika iyo Eeshiya qaar ka mida waxa laga sameeyaa dhulka miyigaa (baadiyaha) aad ayay u yartahay in dadka Reer magaalkii ay waxasi sameeyaan.

Balse waddamada Yurub, Maraykan iyo wixii la mid waxa dhaqankan sameeya kuna faana waa dadka magaalooyinka dagan ee waxna bartay, badankooduna waxay ka baxeen dugsiyo iyo jaamacado.

Su’aasha iswaydiinta lihi waxa ay tahay labadan dhaqan ee midna laga isticmaalo magalooyinkii iyo waddamadii ilbaxa sheeganayey, midna laga isticmaalo miyigii labadaasi ummaddood kuwee ayaa Ilbaxnimada iyo xadaarada u dhaw.

Akhristaw waxa aynu arkaynaa in adduunku uu ku noqday dhabihii jahiliyada iyo isqaawinta sababta uu ugu noqdayna waxa ay tahay waxa jooga oo shaqadiisii marba aan ka seexan shaydaan iyo ibliis.

Guntii iyo gabagabadii Iblays cadow ayuu inoo yahay sida aynu ka dheregsan nahay cadaawad guun ah ayuu inoo qabaa markii Illaahay ku yidhi Aadam u sujuud wuu diiday oo wuxuu uu yidhi:

โ€œMa mid dhoobo laga abuuray ayaan u sujuudaa.โ€

Maalintaa laga billaabo inaga cadaawada uu inoo qabaa waa mid aad u qoto dheer, waxa kaliya oo aynu kaga badbaadaynaa waa in aynu xadhiga Illaahay qabsano raacnana Sunahii Nabigeena Suuban CSW.

 

Waxaa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar