Ururka u dhaqdhaqaaqa difaaca saxafiyiinta ee CPJ ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ugu baaqay masuuliyiinta Somaliland in ay si degdeg ah uga noqdaan eedaha ay ku soo oogeen saxafiyiin kala duwan, si loo hubiyo in ay shaqadooda qabsadaan iyaga oo aan cabsi dareemayn.
Illaa saddex weriye ayaa maanta loo asteeyey in Maxkamaddaha Somaliland ay dacwado uga bilaabanto, halka saxafi ka mid ah uu haatan xabsi ku jiro iyada oo aan weli wax dembi ah lagu helin.
Muuse Jaambiir oo Guddoomiye ka ah wargeyska Ogaal ayaa maanta ay dacwadi uga bilmaysay maxkamadda Gobolka Hargesa, iyada oo loo haysto eedo la xidhiidha in uu daabacay warar aan sugnayn oo uu wax kaga sheegayo Madaxweynaha iyo marwada koowaad.
Jaambiir ayaa u sheegay CPJ in qoraallada uu ka helay ciidamada boolisku ay muujinayaan in loo haysto warar uu ka qoray in shirado-dawli ah gacanta loo geliyey dad gaar ah.
Cabdirashiid Nuur oo isna Guddoomiye u ah Wargeyska Hubsad iyo Siciid Khadar Cabdullaahi oo tifatire ka ah wargeyskaas ayaa Iyana loo haystaa eedo la xidhiidha in ay soo saareen wargeys aan sharci haysan sida uu CPJ u sheegay Guuleed Axmed Dafac oo ah Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland.
Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka ee Somaliland ayaa 13-kii bishan April ku xidhay magaalada Borama Maxamed Cumar Jaray oo ah saxafi u shaqaynayey shabakadda Borama News.