Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo xukuumadda Somaliland si uu gacan buuxda uga geysto Caawimada dadkii reer Somaliland ee ka badbaaday doonidii ku qaraqantay Badweynta Medhitareeeniyanka, isla markaasna uu warbixin sugan ka keeno sida uu shilku u dhacay iyo tirada rasmiga ah ee Somaliland u dhalatay ee masiibadaas wax ku noqotay ayaa waxa uu booqday dhallinyartaa haatan ku sugan Giriiga.
Doontay degtay ayaa waxa ka badbaaday 23 Soomaali ah kuwaas oo ka soo jeeda Bariga Afrika.
Doontay degtay oo ku dhinteen dhallinyarada aad u tiro badan kuwaas oo badankoodu kasoo jeedaan Gobolada Somaliland.