Natiijada aftidii Darfuur oo la shaaciyay

Guddiga Doorashada Suudaan ayaa waxay ku dhowaaqeen natiijada afti laga qaaday dadweynaha Gobolka Daarfuur kuwaasi oo u codaynayey in ay ka sii mid ahaadaan Suuaan iyo in ay ka go’aan maamulka Suudaan. Natiiijadan ayaa waxay sheegtay in 97 boqolkiib dadka reer Daarfuur ay u codeeyeen in ay ka sii mid ahaadaan maamulka Suudaan.

Dadka ayaa waxa ay kala dooranaayeen in ay sagaalka gobol ee hadda ay yihiin ay sii ahaadaan iyo in ay la isku daro oo hal gobol la isugu geeyo.

Laakiin xisbiyada mucaaridka ayaa qaadacay doorashada, waxayna doonayaan madaxbanaani.

Aftida waxa ay qeyb ka ahayd heshiiska nabadda ee lagu dhameynaayo colaadda 30-ka sanno ka socota Daarfuur.

Qiyaastii 300 kun oo qof ayaa ku dhimatay, malaayiin qofna way ka barakeceen qalalaasaha.

Ka hor inta codeyntu bilaaban ayaa waxa sheegay Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir in codeynta ay tahay mid xor iyo xalaal ah.

Codayntan ayaa waxay dhacday wakhti ay Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyaddu raad goobayso Madaxweyne Al-Bashiir  oo ay ku eedaysay in uu  xadgudubo ka geystay Daarfuur.

bandhige@gmail.com