Isku-dhac sababay shan qof oo dhaawac ayaa waxa uu ka dhacay banka Qool-caday kaas oo ay iskaga hor-yimaadeen ciidamada Booliska iyo dadweynaha deegaankaasi.
Isku-dhacan ayaa waxa uu bilaabmay kadib markii Wasiirka Xanaada Xooluhu geeyey deegaankaasi riig biyood ceel biyood ka qodi lahaa, kadibna banka Qool-caday lagu waddo in la xidho oo lagu dhigo seero wakhtiga roobku aanu jirin xooluhu daaqaan.
Ma jiraan warar madax-bannaan oo laga helayo goobta uu dagaalku ka dhacay, iyadoo ay adagtay in xidhiidho lala sameeyo dhinacyada goobta ku dagallamaya khadadka telefoonada oo aad u liita awgeed.
Dhanka kale waxa Hargeysa ay ka baxay ciidamo ku wajahan goobta dagaalku uu ka dhacay.