Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo safar ku tegay Jabuuti, kana dhowaajiyey in ay sameynayaan xeer lagaga hortago tahriibka ah

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo maanta Hargaysa ugu waramay warbaahinta ayaa ka hadlay safar ay muddo maalmo ah isaga iyo mudanayaal kale ugu maqnaayeen Jabuuti.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in ay dawlada jabuuti la kulmeen isla markaana ay kulamo gooni-gooni ah la yeesheen Baarlamaanka Jabuuti kuwaasi oo kala faaโ€™iidaysanayey sida uu sheegay maadaama ay labada dal isku qaarad ku yaalaan isla markaana ay wadaagaan derisnimo, Soomalinimo, af, dhaqan iyo Diin.

Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ugu horeyntii ka hadlay safarkan ay ku tageen Jabuuti iyo wixii ay kasoo faaโ€™iideen muddadii ay ku maqnaayeen halkaasi wuxuu yidhi:

โ€œSafarkan aanu ku tagnay Jabuuti waxaanu la kulanay baarlamaanka Jabuuti, oo aanu ka wada hadalnay sidii xeerar loo samayn lahaa, sida xeerka tahriibta, guddiyadaanu la kulanay si fiican oo walaaltinimo lehna ayey noo soo dhoweeyeen, waayo dawlada Jabuuti waa dawlad guun ah, waana dal caalamka wax ku leh oo la aqoonsan yahay, waxaanu kala sheekaysanay sidii ay uga badbaadeen dhibaatooyinka geeska Afrika ka taagan.โ€œ

Xildhibaanka mar la waydiiyey masiibada tahriibka ayaa waxa uu yidhi:

โ€œHorta waxaan ka tacsiyadeynayaa dhammaanba Somaliland iyo qoysaskii arrintani ku dhacday, waa arrin aad iyo aad noo dhibaysa, qadarkana lama baajin karo, waayo waa wax dhacay inkastoo ay somaliland aad u taabatay, balse hadda ka dabatag ma leh ee ka hor tag ayay leedahay, waxaan arkayay sidoo kale qolooyin dad ku eedeeynaya oo lahaa SONYO ayaa ka danbaysa, maaha in masiibadii dhacdaba cid lagu eedeeyo, waa masiibo dhacday, dalka ku dhacday, anaga nagu dhacday, cid kasta taabatay, waa in lala qaybsadaa muruguda dadkii qoysaskii waxani ku dhaceen.โ€œ

Xildhibaanka oo ugu danbayntii la waydiiyey sida uu u arko wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya taasi oo mudanayaal kale ku eedeeyen xukuumadda in ay arrintaasi laasho ayaa waxa uu yidhi:

โ€œHorta arrinta Soomaaliya iyo Somaliland marbay ahayd in aan lasoo qaadi karayn, balse mar haddii labada gole isku yimaadeen oo isku afgarteen in cunaqabataynta laga qaado waa Sax, wada-hadalkuna maaha micnihiisu Soomaaliya ayaa la noqonayaa, labada dalbaa isku darsanayana maaha. Hadaba Somaliland iyo Soomaaliya markay isku jireen dee hantideedii ayaa halkaasi taala, oo xuquuqdeenii baa Soomaaliya inagaga maqan, waayo dhallinyaradaasi maysan tahriibeen haddii ay haystaan baasaboor dal la aqoonsan yahay, isla markaana dalkooda iyaga oo jooga ayay dalban lahaayeen dalkay doonaanย visa dal ku galkiisa.โ€

bandhige@gmail.com