Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Waddani, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa u ambabaxay waqooyiga Ameerika, gaar ahaan dalalka Maraykanka iyo Canadda.
Weftiga Guddoomiyaha oo abaarihii 11-kii maanta ka dhoofay madaarka caalamiga ee caasimadda Hargeysa, ayaa u sii jeeda magaaladda Washington DC uu ka digi doono saacaddaha inagu soo foolka leh, waxaana halkaas diyaar ugu sii ah oo ku soo dhowaynaya guud ahaan dadweynaha Somaliland u dhashay ee dhaqan Maraykanka iyo Canadda oo iyagu-na soo dhoweynta Guddoomiyahooda Baarlamaanka halkaas u imanayey maalihii la soo dhaafay.
Weftigan oo ah mid aad u ballaadhan, ayaa waxa ku wehelinayey Guddoomiye Cirro oo weftiga hogaaminaya, u tartame Musharax Madaxweyne-ku-xigeen Maxamed Cali Cabdi, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali “Rayte”, Pro Keyse Cali Geedi, Caasha Xuseen Maraykan, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad Waddani ee laanta dalka Ingiriiska Pro Kanadiid Cabdilaahi oo isagu ka sii raaci doona dalka Ingiriiska.
Safarkan oo ujeedooyin badan leh, ayaa la filayaa inuu muddo dhowr us-buuc ah qaato.