Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855 Q.16aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Mijir Herne iyo Mijir Speke waxaa lagu duldimiyey taanbuugyadoodii iyagoo dhex hurda, waxaana lagu boobay warmo iyo budaad, iyagoo anbarbarsan oo aad u sasan waxaa aay dibada uuga soo boodeen taandhooyinkoodii, waxaanay kooxdii soo weerartey iskaga difaaceen qoryahoogii oo rasaas badan baay oogta kaga qaadeen.

Markii aay kooxdan waranlaayda ah ee nasoo weerartay aay dhaawac iyo dhimashaba aay u geesysteen rasaastii aay Mijir Herne iyo Speke aay ridayeen, kooxdii weerarka soo qaaday dib u gurasho xeel dagaal baay sameeyeen si aay mar lambada weerar gufaaco culus noogu qaadaan.

Markii aay dib u gurashada sameeyeen ayaanu is-helnay Mijir Herne iyo Mijir Speke, waxaananu isku uruursanay taandhadaydii si aanu difaac culus goob qudha uuga wada galno. Markii aanu sii soconay waxaanu arkaayney saaxiibkayo Mijir Stroyan oo meel banaana yaal oo aay ku xoonsan yihiin koox waranleeya oo budad iyo warmo la boobaya, xaalkiisuna waxa uu daaqayey halis oo waxa aanu u qaban karno ayaa iska yaraayd oo anaga ayaabay taayadayadii nacuslaysey. Mijir Stroyan wax yar dhaawacyadii soo gaadhay ayuu u geeriyooday beerkana waay kala baxeen oo bogiisu wuu dilaacsanaa.

Aniga, Herne, Speke, saddexdayaduba waxaanu isku uruursanay gudaha taandhadaaydii oo difaac baanu na kale jeedsanay. Sobobta aanu taandha gudaheega iskugu uruursanay waxa aay ahaayd si aay gaboob nooga noqoto warmaha aay soo ganayaan ee aay nagu soo liishaamayaan. Xaaladu waay nagu adag tahay oo mugdigaa noo hoosaasinaya colka na soo weeraray oo waxaa naga xun shiishka qoryahayaga mugdiga daraadii oo rasaastayadu ku ma dhacaayso bartilmaameedka cadawga ee aanu beegsanaaney. Stroyan iyo Speke markii jugtii uugu horaysay nagu dhacaaysey labaduba hurdo dheer baay ku jireen oo anaa xagooda u gurmaday waayo taandhooyinkoodu xaga bidixda ayaay iga xigeen.

Waxaase nasiib daro ahaayd weerarkii uugu horeeyayba in aay ku dul dumiyeen taandhooyinkoodii oo waxaan goobtii tagay Stroyan oo aay dibada uu la soo baxeen oo aay cadowgii nasoo weeraray warmo iyo budad la dhacayaan oo aay naftu sii dhibaayso goobtana yaala. Speke isaga qudhadiisa wuu maqlaayey rasaastii aanu ridaayney, balse waxa uu u haaystey baaq beeneed aan kaga cabsiinaaney tuugta , digniintii muu u qaadan mid dhaba waxaanu u haaystey digniin baqo guuro, balse waxaa uu ku baraarugay oo uu ogaadey xaqiiqda dhabta ah markii lagu dul dulmiyey taandhadii uu ku jirey, waxaanu galay difaac adag oo si fiican buu u dagaalamay isagoo isdifaacaya weloo aay budad badan iyo warmo aay kala dhaceen boodyaha iyo madaxa oo uu dhiig dhamaan jirkiisa qooyay. Speke waxa uu uugu danbayn naf-xarbigii uu u soo orday taandhadaaydii, halkaasi oo aniga, Herne iyo Spekeba aanu isdifaac culus ka galney.

Kooxda cadowga waranleeyada ee na soo weerartey waxa aad moodaa Ayax koronkora oo qaaylo iyo sawaxan aad noo cabsi galiyey baay isku darayaan, waxaanay ku qaayl-yayeen waar gaalada dila imika ayaay jannadii inoo dhowdahaye, waar ku shahiida. Waxaay nagu soo ganayaan warmo iyagoo ka soo tafinaya xagga house ee taandhada oo aay banaaysteen. Warmahaasi iyo bilaawe afaaysan ayaay ka tafinayaan lugahayaga oo dhaawac baanu wadanahay saddexdayaduba, balse rasaas baanu oogta kaga qaadnay si aan isku difaacno, mana hubno rasaastu in aay waxyeelasay cadowga mugdiga habeenimo daraadeed.

Herne waxa uu jilibo joogsadey dhinacaayga midig, dhinaca bidixna waxaa iga xigay Speke oo aanu nidhi adigu ku beeg wixii afaafka hore ee taandhada laga soo galo inaga soo hujuumi doona.

Herne waxa uu jilibo joogsadey dhinacaayga midig, dhinaca bidixna waxaa iga xigay Speke oo aanu nidhi adigu ku beeg wixii afaafka hore ee taandhada laga soo galo inaga soo hujuumi doona. Aniguna waxa istaagey badhtankooda, waxa qoriya maan ahaysan waxaan seef ka ahaayn oo qorigaaygii iyo baastooladihii aan sitey waxaa ku dagaalamaya ciidankayaga cadawga badhtanka uugu jiray, kuwaas oo dagaal adagi ku socoto oo aay waranlaayda nagu soo duushay aay kolba xoojin cusub iyo taakulo aay ka helayaan saaxiibadood. Markii aay naga dhamaatey rasaastii aanu isku difaacaayney ayaanu Herne ku nidhi adigu bax oo ismiidaami oo istoodhkii hubka inooga soo qaad rasaas badan iyo qoryo aaynu isku difaacno.

La Soco Qormnooyinka Dambe.
Diyaarintii iyo turjumidii:
Khadar Jaambiir Egeh