Dhakhaatiirta iyo Covid-19 (WQ: Mustafe Aadan)

Bilawgii xanuunka COVID-19 meelaha ugu khatarta badan ee faafidiisa kaalin weyn ka qaatay waxa ka mid ahaa goobaha caafimaadka. Sida ay sheegayaan macluumaadkii laga helay Talyaaniga, Ingiriiska iyo Sweden dadka khatarta ugu badan ay soo gaadhay ee ku dhintay, sidoo kalena faafidiisa ka qayb-qaatay waxa ka mid ah dhakhaatiirta iyo hawl-wadeenadda caafimaadka. Sababtu waa dhakhaatiirta iyo cusbitaalada oo loola cararo qof kasta oo xanuun soo rito.

Tusaale, dalka Sweden waxa ka dhacay dhakhtar soo daweeyay bukaan cudurka qaba in uu masaajid kula soo tukaday dad badan, dabadeedna ay ku soo urureen oo uu halkaas dad tiro badan ugu gudbiyay.

Sidaas awgeed, haddii aan hawlwadeenada caafimaadku – oo safka hore kaga jira la dagaalanka cudurka – ka diyaargaroobin, si fudud ayay naftoodu khatar u galaysaa, si fududna waa u fidinayaan. Haddii aad booqato qaaar ka mid ah cusbitaalada dalka, waxa aad arkaysaa hawlwadeenada caafimaadka oo badankoodu aan ku lebsinayn agabka ka-hor-tagga.

Guddida ka-hortagga iyo ka-diyaargarowga COVID-19 waa in ay shaqada ugu badan ka qabtaan goobaha caafimaadka oo dhammaan agabka ay u baahan yihiin ka haqab-tiraan.
Dhinaca kale, xilligan maaha xilligii xafladaha, kharashka iyo dedaalka ku baxay xafladaha waa in la geliyaa wacyigelinta, cusbitaalada iyo hawl-wadeenada caafimaadka.