Dhallinyarada iyo hoggaaminta dalka (WQ: Mukhtar Cabdi Cilmi)

Tan iyo markii Somaliland ku dhawaqday la soo noqoshadedii qaranimada Somaliland bishii May 1991, Somaliland waxay ku talaabsasaty horumar aad u baladhan oo dhinacayda hananka dimuquradiyada iyo  dawladda wanaaga, horumarka dhinaca koboca dhaqaalaha iyo xaga waxbaeashada oo ay samaysay kor ukac aad u wayn oo caalamku majiirto.

Horumarkaa kala duwan waxa iyaguna qaybtooda si mugleh uga qadanayay dhallinyarda oo ah xooga ama lafdhabarta uu dal leyahay kuwaas oo aad uga dhex muqda dhamaan isbadalada horumarineed ee dalkani ku talaabsaday mudadaa 25 sano ah ee uu xoriyadsa la soo noqday

Sidii waayadiii hore dhicii jirty ama dhallinyaradu door muuqda kumay lahayn talada iyo hoggaaminta dalka taasina waxay keenty in dhallinyaro badani iskaga hayaamaan dalkoodi hooyo markii ay ku guuldaraysteen hamigoodii ahaa in talada dalka iyo hoggaamintiisa wax laga siiyo

Dood dheer ka dib dhallinyaradu waxay jabiyeen caqabadii ahayd in aan dhallinyaradu isu sharixi karin golayasha deeganka dalka oo ay ku gulaysteen in shuruucdii xaga da’da ahayd ay ka talaabsadaan, taasina waxay keenty in doorashadii golayaasha deegaanka dalka ka qabsoontay November 28/2012 taasina waxay keenty in dhallinyaro badani ku guulaystaan hankoodi ahaa hoggaaminta dalka oo ay Maayaro ka noqdaan magaalooyin waa weyn oo ka mida dalka sida caasimada Hargeysa, Gabilay iyo meelo kala duwan oo dalka ah.

Waxa xusid mudan in balanqaadkii Madaxweynaha Somaliland wakhtigii uu ku jiray loolankii hoggaaminta dalka uu balan qaday in door mug leh la sin dono dhallinyarada kana qayb qaadan doonaan hoggaaminta dalka, run ahaantii Madaxweynaha balanqaadkaa wuu fuliyey oo maanta waxaan ka dhex aragnaa dhallinyaro badan oo ka qayb qaata hoggaaminta dalka markii uu madaxweynaha siiyay kalsooni ay ku muujin karaan kartidooda hoggaamineed iyo ka qayb qaadashada horumarka dalka ka socda waxay dhiiri galin siisay dhallinyarao badan oo niyada ku hayay in ay mar uun dalka taladiisa wax laga waydiyo soona ban dhigaan fikradahooda  tolmoon ee dalkani ku gaadhi karo horumar la majiirto.

Waxaaanu leenahay madaxweyne sii kordhi sida wanaagsan ee aad dhallinyarada reer Somaliland ee dalka guddihisa iyo debbadiisaba wax ku soo baratay aad ugu dhiibtay xilalka kala duwan taas oo ay ugu dambaysay isku shaandhayntii ugu dambaysay ee dhacday 14/8/2016 oo ay ka dhex muqdaan dhallinyaro badan oo loo magacaabay xilal kala duwan kuwaas oo aan dawladdihi hore ku dhiiran in dhallinyarada wax lagu aamino

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkygan dhallinyaradu waa xooga dalkani leeyahay waana dadka ugu badan ee codeeya wakhtiga doorashooyinka ee ha lagu dadaaalo sidii iyagana looga faa’iidaysan lahaa aqoontooda iyo xoogooda.

Ha kana waantoobaan  dhallinyarada xilalka kala duwan hayaa in ay ku milmaan qabyaalada oo ah xanuun la dagaalama horumarka dalka iyo isku duubnida ummadda.

 

Mukhtar Cabdi Cilmi

Samiir.net@gmail.com