Jarmalku waxa uu mamnuucay indha-shareerka “Niqaamka”

Wasiirka Arrimaha Guddaha Jarmalka Thomas de Maiziere ayaa waxa uu ku baaqay in la mamnuucay indha-shareerka “Niqaamka”.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalin uun kadib markii uu sheegay in ay sharci darro noqonayso haddii gebi ahaanba la mamnuuco indhashareerka.

De Maiziere ayaa telefishin Jarmalka laga leeyahay u sheegay in dawladdu ay dooneyso in sharciyan ay khasab ka dhigto in dumarku ay muujiyaan ama feydaan wajiyadooda.

Arrintaasi ayuu sheegay in ay muhiim u tahay is dhexgalka bulshada.

Hindisahaasi oo u baahan in uu ansixiyo baarlamaanka ayaa ka hor istaagi doono dumarka niqaaban in ay tagaan dugsiyada, jaamacadaha iyo goobaha kale ee bulshada iyo waliba in ay baabuurta kaxeeyaan.

Doodda ku saabsan mamnuucidda niqaabka ayaa kala qaybisay xisbiga talada haya ee ay hoggaamis Angela Merkel.

Mamnuucada indha-shareerka ayaa waxay imanaysaa kadib markii kooxo argagaxiso ahi weeraro ka fuliyeen guddaha Jarmalka.

bandhige@gmail.com