Xoghaya Arrimaha Dibedda Maraykanku waxa uu booqasho ku yimid Kiiniya

Xoghaya Arrimaha Dibedda Maraykanku  John Kerry ayaa waxa uu booqasho qaadan doonta muddo afar cisho ku yimid waddanka Kiiniya.

Xoghaya waxa uu ku biiri doonaa Kaaliyaha Xoghaya Afrika  Linda Thomas-Greenfield oo booqasho ku sii joogtay.

Kerry ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa inta uu joogo Kiiniya Madaxweynaha Kiiniya Uhuru Kenyatta, oo uu kala hadli doono xaaladda ammaanka gobolka iyo doorashooyinka Kiiniya ee 2017-ka.

Sidoo kale waxa uu la kulmi doonaa wasiirka Arrimaha Dibedda Kiiniya Aamin Mohamed iyo wasiiradda Arrimaha Dibedda Gobolka oo uu kale hadli doono caqabadaha gobolka oo ay ku jirto xaalada Suudaanta Koonfureed iyo taageerada siyaasada kala-guurka Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Ugu dambaynta waxa uu la kulmi doonaa dhallinyaradii ka qayb gashay mashruuca YALI iyo Mandela oo loogu talo galay in kor loogu qaado hoggaaminta dhallinyarada Afrika.

bandhige@gmail.com