Weftigii Waddani oo uu hoggaaminayo Cirro ayaa waxa si weyn loogu soo dhoweeyey Caynaba

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey isla mar ahaantaana ujeedka socdaalkiisu ahaa Wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha deegaanada gobalka Sool la filaayo in ay ka billaabanto maalinta Axadda, ayaa galabta ay si ballaadhan loogu soo dhaweeyeen magaalada Caynaba ee xarunta gobalka Saraar.

Weftigan oo Guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen xoghayaha guud ee xisbigaasi, siyaasi Cali Kubad, xoghayaha arrimaha bulshada Waddani Hinda Jaamac, xubno ka mid ah hoggaanada, guddida fulinta garabbada dhallinyarta iyo haweenka xisbigaasi, waxaana taageerayaal boqolaal ah oo la dhacsan siyaasadda suuban ee xisbiga Waddani sida oo kale na muujinaayey kal-gacal siyaasaddeed oo ay u qabbaan xisbigaasi, ayaa ka dib socdaal lug ah oo ay guddoomiyaha ku wehelinaayeen waxa ay ku qaabteen roogga cas ee astaanta iyo haybadda sharafta u ah maamuusidda Madaxweyneyaasha.

Siyaasi Cali Kubad oo hore u ahaa Guddoomiye-ku-xigeenkii Komishankii hore ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa isna dhankiisa halkaas ka hadlay, waxaana uu yidhi:

“Waxa ii sharaf ah in aanu halkan Caynaba ku soo dhaweyno guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminaayo, waxa kale oon ku faraxsanahay in magaaladdii aan ku dhashay oo ah Caynaba aan idin ku soo dhaweeyo. Caynaba intan way ka yaraan jirtay, markii gobalka laga dhigeyna waxa aan islaha Kulmiye wax buu u qabanayaa se hoteelka Jaamac Karaaciin ka sameeyey oo kaliya mooyaane wax uu Kulmiye u qabtay ma jirto, run baan idii sheegayaa yee Kulmiye magaalada Caynaba waxba u muuqaban, se xisbiga Waddani waa xisbigii wax innoo tari lahaa, waa xisbigii horumarin lahaa guud ahaan gobalka Saraar.”

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani iyo xoghayaha Warfaafinta Waddani oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda muujiyey in ay ku faraxsan yihiin sida ballaadhan ee loo soo dhaweeyey, iyaga oo tilmaamay in deegaanada gobalka Saraar ay yihiin meelaha uu sida aadka u tirsanaayo xisbiga Waddani.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo isna halkaas ka jeediyey khudbad aad u qiimo badan, ayaa ugu horreyn waxa uu faah faahin ka bixiyey u jeedka socdaalkooda, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Aniga ku hadlaaya magaca weftiga SAMA-WADE ee Waddani aan Shacabka gobalka Saraar ee degmada Caynaba  uga mahad-celinayaa sida ballaadhan ee aan erayo lagu soo koobi karin ee aad noo soo dhaweyseen iyada oo shacbi ahaan aad isku duuban tihiin, waxaana aan si gaara ugu sii mahad-celinayaa dhammaanba dadkii isku hawlay suurto-gelinta hawshaas. Safarkayagu wuxu daaran yahay in aanu shacabka reer Sool iyo Saraar ba aanu kala qeyb-galno bilowga diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland siddii aanu hore ba u soo marnay deegaanadii kale ee Somaliland ee ay ka soo qabsoontay diiwaan-gelinta. Marka fariinta aanu shacabka reer Saraar iyo Sool ba u sidnaa waxa ay tahay in la is diiwaan-geliyo oo cod inaga baaqdaa aanu jirin, goballadu way tartamayaan, degmooyinku way tartamayaan, markaa haddii aad degmo tihiin, haddii aad gobal tihiin iyo haddii aad reer Sool tihiin ba intii naba waxa aanu idiin ku baaqaynaa in cod inaga baaqda oo qaan-gaadh ahi aanu jirin oo xaq u leh in uu is diiwaan-geliyaa aanu jirin.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka khudbada Guddoomiye cirro:

c2 IMG_0751 IMG_0755

bandhige@gmail.com