Wasiiro la socday weftigii Madaxweyne Siilaanyo waxay dhex lugeeyeen degmada Adhicadeeye

????????????????????????????????????

Wefti uu hor kacayo Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta gaadhay degmada Adhicadeeyey ee Gobolka Sool.

Waftiga Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo madax kale oo tiro badan.

Waftiga ayaa waxa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaanka Adhicadeeye, iyadoo ay halkaasi ku qaadeen boqolaal ka tirsan dadweynaha deegaankaasi, Sulaadiin, Ugaasyo iyo qaar ka mida Isimada gobolka Sool.

Wasiiro tiro badan oo toban gaadhaya oo uu ka mid ahaa Wasiirka Madaxooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dhex lugeyey  guddaha degmada cusub ee Adhicadeeye, iyagoo soo dhawayn diiran kala kulmay dadka deegaankaasi.

Wasiirada ayaa sidoo kalena ka shaaheeyey makhaayad ku taala Adhicadeeye, iyagoo kula kulmay qaar kamida dadweynaha degmadaasi.

Madaxweynaha iyo waftigiisa oo ku nastay kana qadeeyey Adhicadeeye, ayaa sidoo kalena halkaasi kaga qayb galayaan shir balaadhan oo la xidhiidha gogoshii nabada ee Madaxweynuhu u fidiyey dadka ku dhaqan gobolada bariga.

bandhige@gmail.om