Geela neef waliba biyaha uu caloosha ku sitaa, waa ka culus yihiin culayska neefka. Sidaas darteed, ayaad mooddaa inuu dhammaantii dekeynayo, oo aanu cagaha dhulka la gaadhayn. Ceelku, waa ceel-dhane biyo culus, oo hasha candhoolowday iba-fura oo la mahadiyo. Xoolaha ka cabba, gaar ahaan geela wuxuu ka soo daadiyaa, sangaallihii bacaraarka kaga jiray. Neefka taagta darranna subaxdaa uu wabaxa yahay, waaba la ruqa-qaadaa!
Cali-mahad, in kastoo uu cagaagan yahay, haddana ma jirto wax kale oo u furan oo aan ka ahayn, inuu budulka geela raaco oo uu sidaa ku bilaabo qaxar iyo hawl kale oo sugaysay isaga iyo qayr-kiiba. Wehelka keliya ee uu haysto ee uu naxariis ku qabaana, waa ina-adeerkii Cabdi-gaas. Sabaale iyo sheeko ayuu Cabdi-gaas ku maaweelinayay Cali-mahad, intii ay qorraxdu casar-liiq gaadhaysay.
Faarax-goray, kuma habsaamin kabadhihiiye, intuu shaahii Col-u-joog muttanni dambe ka cabbay, oo kharashkii fara-maalkana iska bixiyay, ayuu faytay oo qorigiisiina jeeni-qaartay. Kabihii maaska ahaa ee uu Cali-mahad u tolayna, wuxuu sudhay farta, kolkaasuu si feejignaan iyo xawli leh uga bixitimay kabadhihii darka ceelka ahaa, oo ku hagaagay dhabbadii uu geeliisii ka fulay.
Isagoo maanka ku haya, in bara-sankii uu ka jiilaal-geli lahaa, ee uu geela ka soo arooriyay laba habeen ka hor, uu gaade soo dul-fadhiistay, ayaa maskaxdiisu laba-rogaysaa, ma halkii iyo xeradiisii baad ku celisaa? Mise dhinac kale ayaad u dudaa? Waa laba daran mid dooro! Ama waa inuu ku celiyo af-toollintii geedaha gahaydhay, ee waran-bixiga ah lahayd, oo uu col gala uun iska eego, geela rimayda ahina, isagoo shilis u soo sid-gaadhsiiyo. Ama waa inuu gees kale u fuliyo, oo aan gufadh mooyaane gaajo-beel lahayn, halkaana uu geelu kaga xumaado.
Faarax-goray, isagoo aan weli go’aansan dhanka uu geela u foofin doono, marka uu caawa wabax-gado, ayuu soo gaadhay geelii. Qorraxdu, waa ay dhacday. Kolkuu soo gaadhayba isagoo aan la hadlin, ayuu Cali-mahad oo kolba gaban-gaabsanaya, ku yidhi “ Waar Illo kabahaa”. Cali-mahadna, waa u baahnaa wax uu cagaagga ka gashado’e, intuu ku jufay, oo qadhabida u xidhay, ayuu ku dhaqaaqay, kolkaasuu dhegaystay, jiiq-da ka baxaysa kabihiisa maaska ah ee cusub. Daalkii, iyo cagaaggii hayay-ba waxaa illawsiiyay farxadda uu ka qaaday kabahan cusub, ee loo soo tolay.
Fiidkii, ayuu ku soo gembiyay xeradii uu xalay geelu fadhiyay isagoo guul oomman ah. Caawa waa guul-cokan, biyaha dhanaha ah oo culus aawadood, guduudka waaga ka horow, la fili maayo in neefna uu ka kaco halka uu fadhiisto. Faarax-goray, ma seexan habeenka qaarkiisa dambe oo dhan, siduu u laba-boglaynayay, ee halkii uu geelu ka jiilaal geli lahaa u rog-rogayay, ayuu ooggii ku beryay.
Wuxuu talo ku soo af-meeray inuu geela ku celiyo halkii uu ka soo arooriyay, ee col-joogeen-ka ahayd. Kolkii sagalka waagu muuqdayna, intuu ooddii dhinac uga leexiyay, ayuu inammadiina kiciyay, oo uu sidaa ku dareeriyay.
Xigsin kulul markii ay ahayd, ayuu u dhawaaqay geelii, oo isu joojiyay. Kolkii uu caano uga lisay inammadii, oo isna hadhuub-gaal muggii laacay, ayuu geelii dareeriyay, kolkaasuu geeliina tooraha isku daray, oo ku tamuumay aydii uu daaqi jiray. Sidaas ayaa inamadii iyo Faarax-gorayna ku raaceen. Goor dhawayd, ayuu Cabdi-gaas u gooyay dhenged galool ah Cali-mahad.
Halkaa ayuu Cali-mahad ka bilaabay inuu socdo, oo uu maalintii oo dhan marna raadkiisa daawanayey, marna jiiq-da kabihiisa maaska ah dhegaysanayay. Cali-mahad wuxuu bilaabay bog cusub oo ah noloshan geel-jirennimada ah, dhowaan wuxuu diyaar u yahay inuu noqdo daba-dhoon nasiya Cabdi-gaas.
La soco.
W.Q: Maxamuud Axmed Oday
moxamud_oday@yahoo.co.uk
Burco, Somaliland