Ma garashey ku keeneen mise garaacasho, reer Soomaaliya waxay ugu yeedheen dhiig joojinta (WQ: Cabdiraxmaan Cali-NUur Cabdi)

Dadku Kala geedsan oo kala gobsan oo kala garasho dheer,

Reer kii kaa dul guuriyo

Dariskii wax kugu Tara

markey Dani ku haysaa

Dadka kala ogaataa,

Tix raac Abwaan Xasan Ganey

In muddo ahba waxa Geyiga Somaliland ka jirtey abaar baahsan, taasoo ka dhalatey guyaadii hore oon sifiican dalka uga diโ€™in sababteyna in dallaga iyo daqaabu xili horeba gabaabsi noqdaan. Abaartan ayaa ahayd mid saameysay guud ahaan gobolada min beri ilaa galbeed, haba sii kala darnaadeene. Meelaha qaarkoodna waxaaba dhacdey dhimasho dad, duunyana hadaalkeedba daa tarab -tarab iyo tirooyin ayaa meel kasta raqdoodu kaaga muuqanaysaa.

Sannadkii 2011-kii ayay ahayd markii dalka Soomaaliya ee aynu jaark nahay gaar ahaan koonfurtiisa ay ka dhacdey abaar daran oo ay colaado weheliso, wakhtigaa dadka reer Somaliland waxay u fidiyeen gurmad garawshiiyo ah, oon sida kooga garaacasho ku iman waxaaney muddo kooban shacabka iyo dawladu ku ururiyeen lacag ku dhaweyd hal milyan oo Doollar, lacagtaa waxaa qaadey dad ganacsato ahaa oo ay hoggaaminayeen Guddida Rugta ganacsiga Somaliland.

Maxaa hadaba farqi ah ee u dhexeeya labada taakulo ee Abaaraha la isku dhaafsadey, Maxayse ku kala duwan yihiin. Akhriste waxa iska cad in taakulada Soomaaliya innaga soo gaadhay ay ahayd mid ku timid garaacasho, waxaana cadaynย  u ah, Abaartu hadda muddo billo ah ayay socotey waana laga warqabey mashriq iyo maqrib.

Waxaana sababteeda lahaa in reer Soomaaliya inoo soo diraan taakulo ay ugu yeedheen dhiig joojin, markii dhawaan Sheekh Xasan Cabdisalaam oo ka mida ah Guddida Abaaruhu sheegay in aan reer Soomaaliya sidii ay ugu gurmadeen 2011-kii ayna Abaalkeedii weli ka ahayn. Kadibna waxaa qoraal dheer ku faafiyey taftatirihii hore ee laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, waa markaa marka reer Soomaaliya ay ku baraarugeen.

Waa ciyi waa ka baryay, waana wax aynu inagu ka dalbanay, ee maaha wax ay inoo garteen , waana mid ka mida sida labada shacab iyo labada dawladood ukala duwan yihiin.

Cabdiraxmaan Cali-Nuur Cabdi

Hargeysa Somaliland

Cabdiraxmaanc1@gmail.comย  Facebook Cabdiraxmaan nuur