Masโuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani ayaa waxay maanta deeq raashin ah oo isagu jirta bariis, daqiiq iyo saliidba gaadhsiiyey 600 oo qoys oo ka mid ah dadka ay abaarahu sameeyeen ee ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Salaxlay.
Xubno ka mid ah masโuuliyiinta Waddani iyo weliba sida oo kale taageerayaal qurbo-joog ah oo ka tisan xisbigaasi isla mar ahaantaana maanta gelinkii hore gaadhay deegaanadaas, ayaa 600 oo qoys oo danyar ah u qeybiyey deeqdan raashinka ah.
Qaar ka mid ah dadweynahii halkaas looggu qeybiyey deeqda raashinka ah oo ka hadlay bixinta deeqdaasi, ayaa sheegay in ay aad uga mahad-celinayaan deeqdan raashinka ah ee la soo gaadhsiiyey, waxaana ay tilmaameen in la soo gaadhsiiyey wakhti ay aad u jilicsan yihiin oo ay sameeyeen abaaro xooggan oo ka jira deeganadaasi.
Keyse Cali Geedi oo ah masโuuliyiinta degmada Salaxley ee xisbiga Waddani, qurba-jooga iyo dhallinyaro iyaguna halkaas ka halday, ayaa dhankooda tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin in ay deeq raashin ah ay soo gaadhsiiyaan dad tabbaaleysan oo abaarahu saameeyeen, waxaana ay cod dheer ku muujiyeen in xisbiga Waddani uu mar walba diyaar u yahay dhiiri-gelinta wax-tarka dadka jilicda san ee sida oo kalena ay saameeyeen abaaraha baโan ee ka jira deeganadaasi, iyaga oo dhanka kalena farta ku fiiqay in aanay bixinta deeqdan uga gollahayn arrimo khuseeya siyaasad balse ay kaliya ugu tabo ruceen walaalahooda abaarahu saameeyeen.