Midowga Yurub iyo Giriigga oo qaxootiga ku celinaya Turkiga

Giriigga iyo Midowga Yurub ayaa billaabay in ay muhaajiriinta ka daad gureeyaan jasiiradaha Lesbos iyo Chios, dadkaas oo loo diraya Turkiga.

Masaafurinta dadkan ayaa qeyb ka ah heshiis bishii Maaraj ay wada galeen Turkiga iyo Midowga Yurub, oo muhaajiriinta dib loogu celinayoTurkiga.

Inkasta oo la saadaalinayey in ay rabshado ka dhalanayaan masaafurinta, haddana markabkii ugu horreeyey ayaa maanta ka baxay jasiiradda Lesbos, iyadoo aanay wali wax rabshado waaweyn ahi dhicin, inkasta oo uu jiro mudaahaaraad kooban.

Saraakiisha ayaa billaabay in ay dadka basas kaga daad gureeyaan xerada Moria, kadibna ay geeyaan magaalada Mytilini, halkaas oo ay markabka ka raacayaan.

Sarkaal ka tirsan dawladda Giriigga ayaa sheegay in 202 qof lagu daadgureeyey saddex Markab oo u baxay dalka Turkiga.

Laba ka mid ah maraakiibta ayaa ka tagay jasiiradda Lesbos, waxaana saarnaaa 136 qof, halka 66 muhaajiriin ahna ay Markab ka raaceen jasiiradda Chios.

bandhige@gmail.com