Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud โSiilaanyoโ oo saaka u kicitimay Gobolka Awdal ayaa markii uu gaadhay Boorama waxa uu uga sii gudbay deegaanka Qoli-jeed oo laga sameeyey xarun lagu quudiyo dadka abaaraha ku waxyeeloobay.
Dadka abaaruhu saameeyeen oo ku sugan xarun ku taala duleedka Qoli-jeed ayaa waxa loo qaybiyey raashin qoysasa gaadhaya 5,000.
Guud ahaanba odayaasha dhaqanka, qoysaskii raashinka loo qaybiyey iyo dadweeynaha gobolka ku dhaqani soo dhoweeyeen deeqdan raashinka ee loo qaybiyey qoysaskan.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:
https://www.youtube.com/watch?v=_dc0pvxFbJs&feature=youtu.be