Tusmada
Qeybta 1-aad: Bilawgii Aafada Badda iyo Barriga Soomaaliya
- Qeybtan waxa ay ka kooban tahay laba maqaal, kuwaas oo ka hadlaya goorta ay soo bilaabmatey aafada sun ku shubidda ee badda iyo barriga Soomaaliya. Waxaana qeybtan aynnu ku lafo guraynaa aasaaskii hore ee sunta, jaadadkeeda, gacmihii bilaabayey, goobihii iyo fuliyayaashii oo si faahfaahsan aynnu uga hadlayno.
Qeybta 2-aad: Mashruucyada Sunta ee Badda iyo Barriga Soomaaliya
- Qeybtani waxa ay ka koobantahay laba maqaal, waxaana aynnu ku falanqeynaynaa mashruucyada kala duwan ee ku saaabsanaa sunta lagu shubayey badda iyo barriga Soomaaliy xilli burbur iyo dagaallo sokeeye dalka ka socdeen, kuwaas oo looga faaโiideystay baylahda uu dalku ku jiray.
Qeybta 3-aad: Cali Mahdi iyo Mashruucii Yuuraano
- Qeybtan waxa ay ka koobantahay hal maqaal oo ka hadlaya sida uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya (1994-1997) ee Cali Mahdi Maxamed, uu xidhiidhka ula lahaa mashruucyada sun ku shibidda Soomaaliya mid ka mid ah oo lagu magacaabo โUrano Projectโ. Waxa intaas raaca wareysiyo kala duwan oo lala yeeshay, caddeymo qoraallo iwm, taas oo xaqiijineysa ku lug-lahaanshihiisa arrimahaas.
Qeybta 4-aad: Wariye Ilaria Alpi iyo Dilkeedii
- Qeybtani waxa ay ka koobantahay laba maqaal, oo si faahfaahsan uga hadlaya dilka labada wariye oo Talyaaniah, kuwaas oo la kala dhaho: Ilaria Alpi iyo sawir qaade Miran Hirovatin oo magaalada Muqdisho lagu diley bishii maarso 1993-kii. Waxaanad ugu tagi doontaa qeybtan innagoo tibaaxi doonna in dilkoodu ahaa shirqool iyo dhagar loo maleegay, maadaama ay ku gudo jirtey wariye Ilaria Alpi ogaanshaha hubka sharci darrada ah ee lagu soo daabbulo markabyada Talyaanigu uu Soomaaliya ugu deeqay iyo, sidoo kale raadinta sunta lagu shubo badda iyo barriga Soomaaliya.
Qeybta 5-aad: Falkaaha iyo Saameyntiisa
- Qeybtani waxa ay ka koobantahay laba maqaal oo ku saabsan sunta ku aasan badda iyo barriga Soomaaliya, falkaaha iyo saameynta halista badan ee ay ku hayso deegaanka tan iyo waagii lagu shubayey. Waxaana ay arrintani sababtey xaalado caafimaad darro oo baahsan taas oo soo food-saartey bulshada Soomaaliyeed ee xeebaha degan iyo kuwa ka agdhowba, gaar ahaan carruurta oo iyagu aad ugu nugul saameyntaas.
Waxaana ay sidoo kale carrabaabeysaa dikhowga ku dhacay badda, barriga iyo xataa hawada oo ay adagtahay sidii uu deegaanku uga soo kaban lahaa.
Maqaal 6-aad: Rejada Shacabka Soomaaliyeed
- Maqaalkani waxa uu bidhaaminaya ama iftiiminayaa rejo la xidhiidha dhibaatadan innagu habsatey ee aan loo kala hadhin sidii loo maareyn lahaa. Waxaana uu ku qotomaa aragtida qoraha ee uu u arko in xal iyo talaba ay ka noqon karta arrintan. Walow lagu kala aragti duwanaan karo sida arrintan wax looga qaban lahaa, maadaama oo aysan hawl fudud ahayn keliyana dawlad uun wax ka qaban karto, ayaa haddana ay laga maarmaan tahay in qofkasta oo Soomaaliyeed uu ka dhiibto aragtidiisa ku aaddan maareynta dhibaatadan dad iyo duunyaba haleeshay.
Hordhac
Ugu horrayn Eebbaa mahad leh. Waa hubaal in aynnu maqalno ama si fiican uga war haynno dhibaatada soddonkii sanno ee u dambeeyey ka jirta dalka Soomaaliya, oo dhinac kasta leh. Hadday noqon lahayd siyaasad, arrimo bulsho, dhaqaale, nabad, iwm. Waxaa dhibatadaas horseed u ahaa burburkii dalka ee 1991-kii kaas oo sababay in dalka Soomaaliya uu noqdo dhul baylah ah oo aan cidna ilaashanin. Arrimahaas oo is biirsaday ayaa waxa ka faaโiidaystay cid kasta oo dan ka lahayd, hadday noqon lahayd khayraad, bad, berri, bililiqo, boob. Haddaba dhibaatooyinkaas is biirsaday ee badanka Soomaaliduna ay ka mooggantahay, oo aanay ku baraarugsanayn ayaa igu qasbay in aan qormooyin taxane ah ka diyaariyo mid ka mid ah aafooyinkaas dalka ku habsaday.
Taas oo ah mid la xidhiidha dhinaca badda iyo xeebaha, iyo weliba qeybo barriga ka mid ah, oo aad u xasaasi ah, ayna tahay in qof kasta oo Soomaali ahi uu ku baraarugo oo ka war hayo. Badda Soomaaliya oo aynnu ka war qabno in ay muddo soddon sanno ah baylah tahay, oo ay noqotay meel aan cidna u war hayn waxa ka dhacaya iyo waxa ka socda. Ayaa waxa ay horseedday in badda Soomaaliya iyo weliba qeybo barriga ka mid ah in loo adeegsado sida guddaafad la gu kaydiyo qashinka adduunka.
Arrimahan qashinka lagu aaso badda Soomaaliya beryihii hore waxa ay igu ahaayeen maqal iyo war dhegood uun. Sannadkii 2018-kii ma ahayn markii iigu horraysay ee aan maqlo sun ayaa lagu shubaa ama se lagu shubay badaha Soomaaliya. Sannadkaas oo aan akhriyay dhawr qormo oo uu qoray nin la dhaho Prof. Yaxya Caamir, taas oo uu arrimahan sunta badda lagu shubo uu kaga hadlay, iyo waxyaabo kaleba. Haddana waxa aan helay maqaallo ay qortay shabakadda ballaadhan ee afka Soomaaliga wax ku qoraysay muddo badan ee loo yaqaan โSomalitalkโ. Maqaalladaas oo aynnu odhan karno waa kuwii ugu horreeyey ee laga diyaariyey arrimahan sunta, ayaa runtii u muuqday kuwo xog aad u fara badan oo xilliyo kala duwan la qorayey laguna baahiyey shabakadda.
Sidaas darteed waxaan isu xilsaaray in aan baadhitaan iyo dabagal ku sameeyo mowdduucan, aniga oo kaashanaya xogta ay maqaalladaasi xambaarsanaayeen iyo mid aan baadhitaankayga ku soo helay, walow aanay fari ka qodnayn xogaha laga hayo mowdduucan oo loo baahanyahay in bulshadu ku wada baraarugto si wax looga qabto dhibaatadan ku habsatay badda Soomaaliya. Haddana intii karaankeyga ah ayaan damcay in aan u soo bandhigo bulshada, oo u gu yaraan noqon karta iftiimin la bidhaaminayo hagardaamada dul hoganeysa badaha Soomaaliya ee baylahda ah.
Qormadan taxanaha ah qoristeeda waxaan wadey muddo toddoba bilood ah taas oo ka soo bilaabmaysa bishii Luulyo ee dabshidkii ina dhaafey 2018-kii illaa bishii Janaayo ee dabshidkan hadda aynu ku jirno 2019-ka. Waxa sida oo kale cudurdaar buuxda aan ka bixinayaa in aanan tegin goobaha arrintan looga hadlayo, taas oo ku habbooneyd in wixii laga wardoono, kulamo la la sameeyo dadka deegaannadaas ku dhaqan, tijaabooyin, muuqaallo iwm laga sameeyo. Iyada oo aan ugu talo galey in markii horeba aan Documentary ka sameeyo arrintan ayaa suurtogal noqon kari wayday, sababo badan awgood taas oo sababtey in dib aan u dhigo.
Waxaan se rajeynayaa mustaqbalka dhow haddii Eebbe idmo in aan baadhitaan loo dhanyahay oo dhammeystiran xag kastana leh aan ka sameyno aniga iyo intii mawdduuca daneyneysa, kaas oo aan bilow ilaa sannadka markaas lagu jiro aan kaga hadli doonno oo maqal iyo muuqaalba ah, dhaxal galna noqon kara kaas oo aan warbixinno wax ku ool ahna ka diyaarin doonno.
Waxaana aan rejaynayaa in qormadani ay noqoto qeyb ka mid ah maqaallada laga qorey sunta badaha Soomaaliya. Waxaa iyaduna xusid mudan in mawdduucan aad ka dhex dheehan doonto, ujeeddada ย lala damacsanayahay Soomaaliya ee ah gudaafad adduun weynuhu qashinka is kaga kaydiyo, oo aan marnababa lala rabin dawladnimo iyo dal la mid ah adduun weynaha.
Waxaa sidoo kale xusid mudan eray-bixinta qormadan in aan ka soo xigtey maqaal ay qortey gabadh Soomaaliyeed oo la dhaho Habboon Xaaji Cabdi, 2-dii, Abriil . 2014-kii. Kaas oo ay ugu magac dartey โSoomaaliya oo noqotay dhulkii Sunta –ย Somalia become the land of poisonโ Waxaana lagu daabacey shabakadda Waaga Cusub. Waxaan rejaynayaa oo aan ku hanweynahay in akhristaha uu qormadani ugu filanyahay baraarug ku saabsan arrintaas aad ka u halista ah.
Waxa fiiro gaar ah mudan in qormadan aan dib u tifaftiray bishan hadda aynnu ku jirno ee November 2019-ka. Dhinaca hab-qoraalka, tixraaca, jaantusyada, qeybaha iyo qormada dhammaanteedba dib u habayn ayaan ku sameeyey. Degdeggii laga dheehan karayay qormadana hadda ku ma jiro, waana habaynta aan is leeyahay wax dambe oo aad ugu laabato ma jiri doonto. Haddaan wax dambe gadaal ka soo bixin idamka Eebbe.
Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: abdifatahbarawani@hotmail.com
Halkan kala dag Maqaalka oo PDF ah: Dhulkii Sunta – Halista La Mooggnyahay