Doorashada Golaha Wakiillada Iyo Caqabadaha (WQ: Cabdiraxmaan Hayaan)

Maadaama oo Somaliland wixii ka danbeeyay doorashadii 1997kii u hanqal taagaysay in la furo xisbiyo ku tartama doorashooyin ayaa madaxweynihii xilligaas ee Somaliland AHUN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu saaray guddi wasiirro ah oo soo diyaarisa xeerka doorashooyinka. Guddidaa golaha wasiirrada ahaa waxa guddoomiye u ahaa Cumar Maxamed Nimcaale(Cumar Yare) oo waqtigaas ahaa wasiirka arrimaha gudaha.

Guddidaas oo kaashanaysa garyaqaan Faysal Xaaji Jaamac oo markii danbena noqday guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxa ay soo diyaariyeen xeerka doorashooyinka qaranka oo ka koobnaa doorashada golayaasha deegaanka, golayaasha wakiillada iyo guuurtida iyo doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo isku dhan, waxaanay sannadkii 1999kii u gudbiyeen golaha wakiillada, si ay u ansixyaan marka ay ka doodaan kadib, sida dastuurku dhigayo.

Dabayaaqadii sannadkii 2001dii markii aftida dastuurku qabsoontay ee la ansixiyay ayaa golaha wakiilladu gudo galeen doodda xeerka doorashooyinka Qaranka oo is-huwan.

Ayaan darro waxa markiiba muran ka bilaabmay qaybtii ku saabsanayd golaha wakiillada oo saami qaybsiga kuraasida golaha ee lixda gobo lee Somaliland ooh ore u ahaa lixdii degmo ee maxmiyaddii Somaliland ee ingiriisku maamuli jiray; oo kala ah Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco, Laascaanood iyo Ceerigaabo. Xildhibaannada doodda ugu adag ka keenay waxa ay ahaayeen xildhibaanno ka soo jeeda Boorama, markii danbena waxa ku soo biiray kuwo kale oo Hargeysa ka soo jeeda.

Madaxweyne Cigaal oo arrintaa aad uga xanaaqay ayaa safar ugu baxay Ceerigaabo isaga oo ku dhaartay inuu golaha wakiillada kala diri doono marka uu soo noqdo. Intii uu madaxweynuhu ku maqnaa safarka ayaa golihii wakiilladu ansixiyeen qayb ka mid ah xeerkii oo ku saabsanayd golayaasha deegaanka iyo madaxweynaha. Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markii uu ka soo laabtay safarkii ayaa loo keenay qaybtii xeerka ee la ansixiyay, taasoo hakisay go’aankii uu watay ee kala dirista golaha wakiillada.

Sidaasi ayuu ku kala furfurmay xeerkii doorashooyinku, cidina dib isuguma tolon, oo dirqi ayaa sannadkii 2005tii xeer ku-meel-gaadh ah oo gaadhay illaa maxkamadda sare lagu galay doorashadii golaha wakiillada. Sannadkan 2020na waa taa sidii hore lagu galayo iyada oo wali deegaanno badani saluugsanyihiin. Waa maxay haddaba sababta guddida doorashooyinka, xukuumadda, golayaasha Baarlamaanka iyo xisbiyadu ay wax isaga weydiin waayeen una soo qaadi waayeen waqtiga intaa leeg? Ma doorashadu marka ay timaaddo uun baa la baraarugaa?

Wakhti kasta marka ay xilligaa soo gaadho uun baa gobollada iyo dadka cabanaya lagu yidhaahdaa tanaasula oo aan laysku dayin in xeerka wax laga baddalo. Bal haddaba eeg soo jeedintan oo xal u noqon karta is jiid jiidashada saami qaybsiga golaha wakiillada.

  1. Golaha wakiillada waa gole qaran ee ma aha gole gobol, xeerka ay ansixiyaan waxa uu saameeyaa qaranka oo dhan ma aha mid gobol.
  2. Saddex xisbi Qaran waxa ay ku tartamaan 82-ka kursi ee golaha wakiillada, sidaasi darteed waxa ay soo gudbiyaan saddex liis oo min 82 musharrax ah. Murashax kastaana calaamaddiisii gaarka ama summaddii geelooda uu leeyahay.
  3. Goobaha codaynta ee dalka oo dhan ayaa looga codaynayaa xisbiga iyo murashaxa.
  4. Tirade guud ee codadka la codeeyay oo dhan ee doorashada ayaa la isu gaynayaa. Wadarta soo baxda waxa loo qaybinayaa 82-ka kursi ee golaha wakiilladu ka kooban yahay. Waxa soo baxaya tirade codadka ee kursigu ku fadhiyo.
  5. Tiradii codadka ee guud ahaan xisbi waliba helay ayaa loo qaybinayaa codadka uu ku fadhiyay kursiga golaha wakiilladu. Waxa soo baxaya xisbi waliba inta uu ka helay kuraastii doorashada
  6. Tirade kuraasida uu xisbigu ka helay 82-ka kursi ayaa gudihiisa lagu kala qaybsanayaa sida musharrixiintiisu u kala codad badan yihiin sida haddaba lagu dhaqmo.

Murankii kuraasidu waa kala codad badanyihiin iyo gobol hebel ayaa codad badan ayaa sidaa loogaga baxayaa. Hayaanka loo hayaamo gobollada marka doorashada golaha wakiilladu dhacayso waa laga raysanayaa, waayo meeshii aad joogto ayaa aad uga codayn karaysaa murashaxa aad jeclayd. Waxa uun waajib ah in aad iska diiwaangalisid goobtaas aad ka codaynaysid.

C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com

XIgasho: Dharaaro xusuustood, Maxamed Siciid Gees