Doorashada Kiiniya, duruus ugu filan Somaliland (WQ: Cabdiqaadir Dayib Askar)

 

Ma fududa, marka la joogo dunidda Saddexaad ah, gaar ahaan dal Afrikaan ah, in madaxweyne xilka ku fadhiya, doorasho looga adkaado. Waayo waxa uu gacanta ku hayaa ‘awood aan xad lahayn’, wuxuuna u bedali  karaa ‘awoodaas’ mid isaga u gu shaqaysa ‘sida uu rabo’, oo aan haddana cidna kula xisaabtamin. Arrintan waxa ay tahay boog madow oo ku taalla damiirka shucuubta ku nool Dunida Saddexaad, waxa ayna  wiiqdaa korniinka dawladnimado iyo geedi-socodka dimuqraadiyadeed.

Doorashadii ‘natiijadeeda la laaley’ ee dalka Kiiniya, ayaa ahayd mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xiisaha iyo xallad badnaa ee ka qabsooma qaaradda Afrika, haddii aanay ahaynba tii ugu mudnayd dhawaanahan.

Qaraarkii ay Maxkamadda Sare ee Dalka Kiiniya soo saartay 1dii September, waxa ay markhaati nool u tahay, in dimquraadiyadii ‘laxashka’ saarnayd ee Kiiniya, ay dib u soo noolatay. Garsoorka Kiiniya wuu dhawaaqay, dhawaaq ka duwan, kuwii  hore looga bartay. Cod dheer wuxuu ku sheegay: “Doorasho ‘khaladaad wadata’ uma dulqaadanayno mar danbe.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Kiiniya, David Maraga, wuxuu muujiyey madaxbannaanida iyo awoodda xilka loo igmaday.  Khamiistii hore, ee todobaadkii la soo dhaafay, ayuu warbaahinta horteeda, wacad ku maraya in aan garsoorkiisu noqon doonin mid lagu majara habaabiyo laalush, oo cid gaar ah, danno gaar ah loogu fuliyo.

Garsoore David Maraga, waxa lagu xasuusan doonaa cadaalad sugan iyo garsoor madax bannaan. Wuxuu hiil u noqday garsoorka Kiiniya ee muddada dheer farta lagu godayey, laguna xaman jiray musuq-maasuq iyo guddoon jilicsan.

Garsoore David Maraga

Garsoore David Maraga

Go’aankii Maxkamaddu ay gaadhay wuxu soo jiitay indhaha beesha caalamka. Waana markii ugu horaysay ee dal Afrikaan ah,  natiijadii doorashada madaxtooyo dib looga laabto. Haa, waxa ay weliba ka nixisay madaxweyne Uhuru Kenyata, oo ugu goodinayey ninkii loolanku ka dhexeeyey ee Raila Odinga, in wadiiqo sharci maro  ku waajaho natiijadda doorashada, oo aanu wadooyinka ka soo yooyootamin!

Nasiib wanaag iyo nasiib darro ka ay tahayba, afar ka mid ah lixdii garsoore ee Maxkamadda Sarre ee Kiiniya, waxa ay amreen in doorasho cusub lagu qabto muddo 60 cisho ah, iyaga oo daadafeeyey tii hore ee qabsoontay.

Jimcihii hore, wadooyinka waaweyn ee Nayroobi, waxa isla oogsaday sawaxanka dad la qiiraysan go’aanka maxkamaddu gaadhay. Waxaana laga dheehan karayey rejo iyo yididiilo cusub. Inkasta oo taas lidkeeda, dad badan oo libin la geeraaray ay ka naxsatay.

Maxay Somaliland Ka Baran Kartaa?

Doorashada Kiiniya iyo ta Somaliland waxa ay ka siman yihiin waxyaabo badan.  Ta ugu muhiimsan baa se ah in  codbixiyayasha la diiwaangeliyey. Ula-jeedka diiwaangelinta codbixiyaashuna waa in muwaadinku codeeyo, tirada rasmiga ah ee codaynaysa la sugo, lagana hortago in codbixiyuhu helo fursad ka badan ta xaq u leeyahay ee ah: inuu hal mar codeeyo.

Komishanka Doorashooyinka labada dal, wallow ay u tafaxayteen in ay qabtaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, haddana dad badan baa markasta wadnahana farta ku haya. Waayo waa tijaabo cusub iyo farsamo tiknoolaji casri ah, oo la tacaaliddeedu u baahan tahay aqoon durugsan oo badanka gacanteena ka maqan. Tusaale ahaan, Guddida Doorashooyinka JSL waxa ay tahli kari laayihiin in ay heshiiskii anshax (Electoral Code of Conduct) ee asxaabtu wada saxeexeen, loo dabaqo si dhammaystiran. Tirraba in ka badan laba jeer baa ay go’aano ka soo saareen, ilaa haatan asxaabtu waxa ay u muuqdaan kuwo si quudhsi leh dhagaha uga furaystay. Tan oo weydiin gelin karta, in Komishankeenu awood u leeyahay qabashada doorasho codbixiyahaya la diiwaangeliyna, oo u qabsoonta si  lagu wada qanci karo iyo inkale.

Nidaamkan cusub ee lagu tijaabiyey Kiiniya wuxuu durba keenay ceebo cusub, oo aan hore loo sii saadaalin. Waxa la cadeeyey in xogtii keydka codbixiyaayaasha Kiiniya loo dhacay, lanna dhallangediyey maxsuulkii doorasho ee rasmiga ahaa. Waa deris ay Guddida Doorashooyinka JSL  wax ka baran karaan. Waxa Guddida Doorashooyinka JSL faran in ay si taxdar leh u hubiyaan dhibaatada ka dhallan karta in farsamadeena cusub yeelato ceebo la mid ah kuwa doorashooyinka Kiiniya, gaar ahaan xogta codbixiyayaasha oo la fara-xumeeyo, loona adeegsado qaab khalkhal gelin kara Ammaanka Qaran (National Security).

Dhanka kale, qaab-dhismeedka is-bahaysiyada Kiiniya iyo asxaabta siyaasadeed ee JSL, waxa ay wadaagaan nidaamka xulafaysiga beelaha ku dhisan. Taas waxa dheer, in hababka ay ololaha u galaan yihiin yihiin kuwo reeraha laysku soofeeyo, oo si baalmarsan shuruucda dhigan, tartan qaawan oo qabiiladu jilayaan laysku waajaho. Waanna ifafaale xun oo muujinaysa kala qaybsanaan-bulsheed iyo garasho-siyaasadeed oo hoosaysa.

Waa isla arrintaas ta keentay in doorashooyinkii Kiiniya ee 2013, dhiig badan ku daato, in ka badan 1200 qofna loo dilo aanno qabiil, oo doorashooyinku dhaliyeen. Weydiintu waxa ay tahay, Somaliland ma ka samato-bixi kartaa in ay si fudud ugu dhacdo qulqulatooyin siyaasadeed iyo loolanka qabyaaladaysan oo ka dhasha natiijada doorashada Madaxtinimada?

Nidaamka kala-guulaysiga asxaabtu, waa ay ku kala duwan yihiin Kiiniya iyo Somaliland. Kiiniya, guulaystuhu waa inuu keenaa boqolkiiba konton oo lagu daray hal ( 50%+1), si uu u hanto tallada madaxtinimo. Halka Somaliland nidaamkeedu ku dhisan yahay hal dheeri (Absolute Majority). Laaxinka ka muuqda shuruucda doorasho ee JSL ee la xidhiidha dejinta halbeegga kala-guulaysigu, wuxuu horseedi karaa in si fudud muran loo gasho natiijooyinka doorashooyinka, si la mid ah sidii dhacday markii la dooranayey Shir-gudoonka Golaha Wakiiladda JSL.

Wallow Kiiniya ay is-diiwaangeliyeen 16.9 Malyuun oo codbixiye, halka Somaliland la qiyaasiyo in ay is-diiwaangeliyaan Nus Malyuun ruux, haddana waxa ay labada doorashooyin wadaagaan, in kharashaadka doorasho ee la galay ilaa haatan aad u badan yihiin. Taas oo ka dhigaysa labada doorasho kuwa ugu qaalisan abid ee Afrikada cusub ka dhaca. 25% ayey kharashaadka doorashooyinku dulsaar ku yihiin miisaaniyadda qaranka. Waxa ay noqdeen doorashooyin qiimo sareeya, kharashaadna badan, oo kuba dhaw in ay curyaamiyaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka ,codbixiyayaashana ku mashquuliyey doorashooyin aan dhammaad lahayn, tartamayaashana ka dhigay doorasho-u-taagnayaal, ka arradan tacab-horumarineed.

Guntii iyo gebogebadii, Somaliland waxa ay maraysaa marxalad kala-guur. Tijaabo adag baa se hortaal Guddida Doorashooyinka JSL oo laga wada dhursugayo sida ay uga dabaalan doonaan billaha fooda inagu soo haya. Guddidu waa in ay la timaad dhiiranaan iyo firfircooni cusub oo ay ku fulinayso go’aanadda  sharci ee doorashooyinka, gacantana si buuxda ugu dhigaan habsami-u-socodka iyo hannaanka doorasho. Waxa laga rabaa in masuuliyaddaas, talladeedu aanay baahin, oo cid aan loo igman, faraha loo gelin. Hubaal waxa ah in la gaadhi karo doorasho xor iyo xalaal ah, waqtigeedana qabsoonta, haddii ay Guddida Doorashooyinku noqdaan kuwo si foojigan uga baaran-degga hannaanka loo marayo doorashooyinka.

Cabdiqaadir Dayib Askar

Nayroobi, Kiiniya.