DORRAATO MIYAAD ILLAWDAY? …W/Q:(Kamaal Marjaan)

Adoo darayeysan gaajo

Hadduu deeq Ilaah ku siiyo

Haddaad darajiyo xil qaaddo

Daruuraha hadduu ku geeyo

Dushuu kaa eegayaaye

Ducaa la yaboohsadaa

Kibirka waa lagu dumaa

 

Nimcaduu kaa daadiyaaye

Dorraato miyaad illawday?

 

Adoo Dabadheer ka doogtay

Markaad durdurada bilawday

Habaar lagu doori maayee

Ducaa lagu doogsadaa

Markuu doobigaagu buuxo

Daboolka haddaadan saarin

Kibirku wuu daadiyaa

 

Nimcaduu kaa daadiyaaye

Dorraato miyaad illawday?

 

Seynab Haji Ali (Baxsan)

 

Riwaayaddii Dhedo Roob noqon wayday, Curintii / #CabdullaahiDiiriyeSooraan (AHUN).

 

 

Xigasho:Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com