Dr. Baadiyow Iyo Cali Mahdi: Godobaha Ay Soomaalilaan ka Galeen (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Waxa la is-weydiiyey maxaa taariikhaha loo darsaa? Waxa ay jawaabtii noqotay in lagaga baydho wixii hore loo khalday in aan dib loogu noqon. Tabtaasi inaga oo ka duulayna, labadan siyaasi oo isku deegaan hoose ka soo wada jeedaa waxa ay galeen gefef taariikhi ah oo weli ku suntan bogaga taariikhaha Soomaalilaan.

Cali Mahdi: Wuxuu ahaa shaqaale dawladeed, gaar ahaan wasaaraddii caafimaadka sannadihii 1970-naadkii. Ka dib wuxuu u wareegay inuu noqdo ganacsade, oo uu ku jiray ilaa 1980-maadkii. Wuxuu lahaa hudheel caan ka ahaa magaalada Muqisho. Wakhtigii uu soo dhawaaday inay ciirciirto dawladii MSBarre, ayuu bilaabay inuu magaalada Muqdisho ka sameeyo kooxo u abaabulan inay kursiga sii qorshaystaan markuu dhaco MSBarre. Waa kooxdaasi loogu wanqalay Manafeesto. Waxa ay Manafeesto soo mudh-baxday horraantii 1990-kii, wakhtigan ayey jabhadii USC ee uu hogaaminaayey Janaraal Caydiid ee SNM ay ka abaabushay magaalada Balay-gudable ay dagaal ka waday gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Nin noocaasi ah ayuu shakhsiyan ahaa. Waxa maskaxdiisa gashay siyaasadda wakhtigan caan ah ee ku qabso ku qadi mayside. Iyada oo Janaraal Caydiid halgankii lagu kicinayey MSBarre wada ayaa dawladu loogu soo cumaamaday magaalada Jabuuti. Waraysi ay la yeelatay laanta af-soomaaliga ee BBC ayuu ku sheegay hadal nuxurkiis ahaa “ In halgankii xukunka MSBarre dalka laga xorraynayey uu ka soo bilaabmay gobollada dhexe ee Soomaaliya”. Wuxuu toos ugu gefay halgankii ugu mudada dheeraa ee ay SNM kula jirtay taliska MSBarre oo socday muddo dhan sagaal sanno ah (1982—1991). Janaraal Caydiid wuxuu la dagaalamayey taliskii Af-weyne 8 bilood. (8/7/1990 illaa 20/2/1991). Iyada oo ay reer Soomaalilaan gefkaasi ka tirsanayaan, ayey dawladiisii u soo guurtay magaalada Muqisho, waana kii dagaalka sokeeyey ka bilaabay Muqdisho ee yidhi Caydiid gobollada dhexe ayuu ka yimid, aniguna Muqdisho ayaan u dhashay.

Dr. Baadiyow:  Waa nin ka tirsanaan jiray ciidankii Soomaaliya ee xoogga, waxaanu waxbarasho u tegay dalka Ukrayn. Ka dibna jaamacadda Gahayr ayuu macalin ka noqday. Wixii intaa ka dambeeyey wuxuu u leexday inuu xubin ka noqdo urur diimeedka Al-Islaax oo uu ka mid ahaa aasaasayaashii. Ururkaasi wuxuu bahwadaag la yahay ururka Ikhwaanu Muslimiin ee haatan siyaasadda faashil ku noqday. Aakhirkii wuxuu shaahada PHD ku diyaariyey cilmiga Taariikhda. Dhawr sanno ka hor waxa lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee IFK ee magaalada New York, iyada oo loo haysto falal argagixiso. Waxaana loo mastaafuriyey dalka Kenada oo uu dhalashadiisa haysto. Maraykanku wuu ka mamnuucay dalkiisa.

Shaki kuma jiro inuu aamisan yahay fikirka gaboobay ee carabta lagaga dawrsan jiray kumanaan sanno ka hor ee ah in ciddii la fogaynayo lagu shaabadeeyo wuxuu xidhiidh la leeyahay Israa’iil, iyada oo la ogyahay inay Carabi u kala badiso la xidhiidhka Israa’iil iyo Maraykan. Qoraal af-carab ku qoran oo dhawr bogg ka kooban oo uu qoray sannadkii 1991 wuxuu ku sheegay in gooni-isu-taagga Soomaalilaan ay ka dambaysay Israa’iil oo ay u soo dhexmartay Itoobiya.  Qoraalka ma wato caddaymo lagu qanci karo oo ku muujinaayo sheegashadiisa, waa se male awaal uu jaamacadda Carabta lacag kaga doonayey wakhtigaasi. Joseph Geobles wasiirkii warfaafinta ee Naasigii Jarmalka ayaa laga soo xigtay inuu yidhi” ku celceli beenta ilaa la rumaysto.” Malaha sidaasi ayuu uga socday qoraalkiisa.

Waa godob uu ka galay qaran dhan oo aan meelna u soo marin inay Israa’iil wax u yeedhiso. Gooni-isu-taagga Soomaalilaan waa shay ku yimid wadatashi ay yeesheen shicibka Soomaalilaan ka dib markii ay SNM dalka ka xorraysay taliskii uu askariga u ahaa Baadiyow. In badan oo ka mid ah shicibka Soomaalilaan ayaan hore u ogeyn qoraalkiisaa, hasayeeshee dhawaan ayuu mar kale ku celiyey inuu weli fikirkaasi qabo. Haatan wuxuu xubin ka yahay guddiga wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Qoraalkiisaa uu ku sheegay in gooni-isu-taagga Soomaalilaan ay yuhuudi ka dambaysay waa godobtii labaad ee gasha baalasha taariikhda Soomaalilaan ee uu galo siyaasi ka soo jeeda Muqdisho.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan,

Calicoomay@gmail.com