Dulman! Sheeko (W.Q. Faadumo Aadan Maxamuud ina Buuni, Qaybta 1 aad – 4 aad)

Qaybta koowaad

“Alla maxay iska ba’day ooy balanbashay, ballaayadii dhashayna meeday? Bal halkay dhigtay ilmaheeda eega.  Naa wuxu miyaanay beer lahayn? Walee taasaan hooyo ahayn.” Waa hadalo hanjabaad iyo habaar leh oo ka soo yeedhayey haween deganaa xaafad ka mida xaafadaha. Waa  halka ilmo yar oo gabadha ah la dhigay.

“Naa maxaynu yeelnaa? Sidaynu nidhaahnaa ilmahan yar? Halkaynu se geynaa?” Bay tidhi mid ka mida haweenkii isku soo ururay meeshu.”Dee mooyi. Halkaynu gaynaa?” “Dee askarta haynu u gayno.” Bay haddana mid kale ugu warcelisay. “Armoo naa la yidhaa idinkaa halkan dhigay.” Ayey haddana  mid kale la soo boodday.

Waa arooryo hore. Waana xiiliga shaqooyinka, suuqyada iyo dugsiyadda loo dareero. Gayn mayno iyo waynu gaynaynaa sidii la isku lahaa bay ku soo baxday Gaasira oo salad sidata una socota  dhinacaa iyo suuqa, si ay u soo iibsato adeegii guriga. Gurigeedu ma buu ka fogayn halka ilmaha yar la dhigay.  Uba soo dhawaatay buuqii iyo sawaxankii dumarka meesha iskugu soo ururay. Rag goobtaa wuu soo istaagayey  balse waxba kamay soo qaadin, way eegaan, waanay dhaafaan.

Qaarna waxay yidhaahdaan:

“Naa ordoo meesha ku kala dareera, qaylo, buuq iyo sawaxan uun baad miciinsataane howlahiina ku kala faafa. Ubadkiinaa idiin baahane daryeela iyaga.”

Waaba isku wada af, kii soo istaagaaba hadalkii kii kale buu yidhaa wadnahoogu waaba dhagax qalallan. Ma ilmahan yar baa haddaa u baahnayn daryeel iyo dugsi?! “Maxaynu samaynaa iyo ilmahan yar sidaynu nidhaa?” Maskaxdooda yar way ku soo dhici weyday. Alla waa markaan idhaa:

“Yaa ragga cagaf wada mariya?!.”  

Qaybta labaad

Intay aad uga naxday bay tidhi:

“Alla bisinka naa maxaa meesha ka dhacay?” “Ilmo yar baa habo meesha la soo dhigay.”

Bay gabadh yar oo xidhan balcaddii dugsiga ugu warcelisay. “Alla toloow miyey nooshahay?” Ayey haddana Gaasira oo dhidid waaweyni ka soo booday kula haadday tii yarayd. “Haa habo way nooshahay.” Uguba war celisay. “Sawaxankan iyo qayladan naga daayoo  maxaynu samaynayaa? Naa miyuu arrinkani idinku cusub yahay? Halkeed afka gacanta iskaga galiseen.” Ayay cod dheer ku tidhi oo mar kaliya la wada aamusay dhinaceediina la soo wada eegay.

Mabay sii war-waraysane dumarkiiye inta ay ilmihii yaraa haf ka siiyey bay tidhi, “Boolis …..Boolis uun baad haysaane, anigaa qaadanaya ilmahan yar.”

“Jaqaaq….. Jaqaaq.”

Buu intaa ilmaha yari hayaa oohintiisuna waa mid aad ka jidhidhi dhicoonayso oonad u adkaysan  karayn. “Naayaa Gaasira, Gaasira halkeed ula boodday? Ilmaha yar iska dhig. Armoo dhibaato kaa soo gaadhaa.” Bay tidhi mid ka mida haweenkii intay qoorta kala soo dhex baxday dumarkii meesha iskugu soo ururay, hadalkiiba kamay sii gurine gurigeedii bay dib ugu noqotay, iyadoo ilmihii yaraana sidata ujeeddaday u socotayna ka soo jeedsatay.

Soo ba gaadhay gurigeedii  albaabkii gow… gow… gow…. kaga siisay. “Naa iga fur bal albaabka Hodaneey.” iyaday ku ogayd guriga inay joogto oonay tagin waxbarashadeedii xalay oo dhan bay is dilayeen mid kor uga roonayd cadhaabay la soo toosi wayday oo maxay ugu qasbi wayday inay tagto waxbarashadeeda oo maxay haddaa dhangad ula gali wayday? mooyiye Hodan oo ilna isku haysa ilna kala haysa baa tidhi, “Waa ayo dee qofkan xilligan garaacayaa albaabka muxuu ahaa?”

Qaybta saddexaad

Mabay soo dhigan hooyadaa weeyaan. Codka “Naa iga fur albaabka Hodaneey”.Way maqlaysaa haddana cid kale bay mooddaysaa, furtay albaabkii mise waaba hooyadeed oo ilmo yar sidata haween badanna daba guurayaan.”Yaa! Yaa! Hooyo maxaa kugu dhacay? Ilmahan yarina muxuu ahaa? Oo dumarkanina maxay ahaayeen? Alla hooyo ila hadal dee!” ”Naa anaa mar kale kuu warramiye, furaashka xallaaf ii soo saar.” Intay Gaasiri tidhi ayay hore guriga gudihiisa u soo gashay.

“Hooyooyin haweenkannoow  maxaa idinka maqan eed rabtaan”? Ayay tidhi iyadoo labada kelyood haysata dhinac dhinacna isku qalqaloocinaysa sida ay wax u waydiinayso waxaabad mooddaa in loogu sii diyaariyey dumarka meesha tii hurudayba ma aha! “Hooyadaa warrayso horta annaga ha nagu soo haliiline. Daya say isku ruxayso naa ma hees baa loo daaray acuuddu billaah waa maxay shaydaamaddan geesaha lihi!” Intay islaani  ereyadaa  ku tuurtay bay gurigiina hore u soo gashay.

Hodan: Eeyaa cajuusad yahay ma anigaad ii tirinaysaa halkay habartanna igala qaaday intay hadhqoodaal-kayagiina soo dhaaftay bay waliba i huruufaysaa.

Gaasira: Naa dumarka ka aamu afku kuma go’ee halkeed dumarkan hooyadaa oo kale ah ugu haliilaysaa aamus naayaa. Soo socda Huguflaay walaal waa mid yaroo iska dhib badanne raalina ahaada waxbana hadalkeeda ha ka soo qaadina.

Hugufla: Ubadkan sabanka jooga saxadooda iyo siday u dhaqmayaanba garanmeysid afkuunbay kaaga soo booddayaan waan ka yaaban ahay, wax ka soo qaad ma lahee, dee wax kale garan maayee waa aakhuru saban. Inaga daa arrin ka wayn baabaa yaala walaal maxaad hadda samayn?

Gaasira: Wax kale garan maayee ilmahan yar waan iska haysanayaa sidaan horeba kuugu sheegay armooy  i anfacdaa barri-ka- maalin.

Hugufla: Laga yaabaa inay ku anfacdo se ha ku dag-dagin baan ku odhan lahaa haysashada ilmahan yar.

Gaasira: Oo haddaa halkeen geeyaa? Yaanse siiyaa ee aniga iiga baahi badan?

Hugufla: Dee waayahee hayso, hadalkuba kuma marayee waxaad ka heshaad leedahaye. Naa ina mariya hawlaheena haynu ku kala faafnee sidaad doonto yeel Gaasiraay waligaa baad  dhago adkayde mise waaba tiiyoo islaan noqotay!

Qaybta afraad

Waa hadallo ay ku sii harraatiday Hugufli saaxiibadeed Gaasira markay maqli weyday, dhagna jalaq u siin weyday kaba soo dareere dumarkii siday u dhammaayeen. Hawlahoodii bay ku kala darreereen. Gaasiri  ilmihii yaraa marba dhinacbay ula dhaqaaqdaa mar way la kacdaa marna way la fadhiisataa inkastoyba  midna ilmaha yari ku aamusi waayey, caano la qasay ilmihii yaraa afka ugu qabatay muxuuse ka yaqaan ilmo  xalay dhashay  caano inta weel lagu soo shubay afka loogu  qabtay? Dee waxba.

“Jaqaaq….jaqaaq.”

Buu intaa hayaa marnaba ma  aamusayo,  gaajada xummada haysaa u dheer  waxay yeesho garan weyday talanna ku ciirtay mar danbe oo xeedho iyo fandhaal kala dhaceen bay xasuusatay masaasad caag ka samaysan oo tukaanka jaarku hayey, intay soo iibisay ayey caanihii la qasay ku shubtay  afkana ugu qabatay ilmihii yaraa sidii hore waa soo dhaammaa  hadda wax hurdo qabatayna wuu  u eeg yahay.

Xallaaf mar horeba inanteeda Hodan u diyaarisayna seexisay iyadna ag jiifsatay waxaabad mooddaa inay umul ku tahay oo ay xalay umushay.

Si deg-degay Hodan isku diyaarisay si ay u doonto addeegii hooyadeed u suurtoobi weyday inay doonto howsha ilmahan yarina ka soo dhex galay.

Soo iibisay oo soo noqotay, keentay oo karisay, cid intii maqnayd iskugu timi gurigii. Waa Gaasira  inanteedii  ee kor uga waynayd Hodan iyo mid kaloo Gaasiri eddo u tahay walaalkeedii ka yaraa ee kal  saddexaad dhintay baa dhalay.

Dugsiga sare bay wada  dhigtaan saddexda habloodba. Haddiiba la yaabay gacmahana dhabannada la wada saaray, raashinkii Hodan karisay ka dib  cunnistiisii tallo ayey iskula yimaadeen afartooddiiba.

Waxa la isla af gartay in inantan yar ay korsaddaan, xaashi ogolaanshiyo ahna ka soo qaataan cidda ay khusayso arrintani. Sidaas bay isku afgarteen. Isla maalintii labaad ayaaba la soo siiyey xaashidii ogolaanshiyaha ahayd.

Farxad iyo rayn rayn, hadda Gaasira carruurteedu waxayba marayaan afar hablood, laba ay dhashay iyo laba ay korsannayso.

Hadday ka soo wareegtay 15 sanno goortii inanta yari joogtay guriga Gaasira, Dulman waxay noqotay filkeed ka-roon, una dhago nugul hooyadeed Gaasira.  Gaasiri umay sheegin in aanay iyadu dhalin, waligeedna may darreensiin. Waxa aan hooyo ahayna ugumay yeedhin jirin………………..

La soco qaybta shanaad hadduu Eebbe ogolaado.

W.Q Faadumo Aadan Maxamed (Ina Buuni)

Libaaxo77@gmail.com ama faadumo.buuni@gmail.com