Dulman! Sheeko(W.Q. Faadumo Aadan Maxamuud ina Buuni, Qaybta 5aad)

Siday ugu dhago nugushay ayey ka hinnaaseen hablihii ay Gaasiri dhashay.

“Naa horta heedhe maxaad haddaanu hooyo yara maqli wayno aad u booddaa oo hawsha na loo diro aad adigu u qabataa, naa yaa ku soo qaadan jiray.” Ayey ku celceliyaan.

Way murugootaa dhinac ay u saartana way garan waydaa markay maqasho, “Yaa ku soo qaadan jiray.” Ilayn haweeni hadal ay fadh-fadhaan ma daayaane. Intaa cid uun bay hadal hayaan! Intaana wax aan dantooda ahayn bay ka sheekaynayaan.

Haween jaarkooda ah baa maalin u taab-taabtay arrinka iyada ku saabsan. “Naa dee Gaasiri hooyadaa ma-aha! Miyaanad  ogayn in lagu soo helay?” Ayey bariido ka dib  hoosta ugu dhiibtay islaani! “Yaa i soo helay, maxaad se uga jeeddaa Gaasiri kumay dhalin? Ayey iyadoo argagaxsan si ay u rumaysatana garan la’ ugu warcelisay. Bilow ilaa dhammaad islaantii duryama warbixintii oo faah-faahsan u bayaamisay beerku ha xanuunee!

Dulman waxay tidhaa iyo waxay samaysaba way garan wayday. Hadallo badan oo ay odhan jireen hablaha ay dugsiga wada dhigtaan bay soo xasuusatay. Aflagaaddo badan oo ay kula kacaan habalaha Gaasiri dhashay bay dib u xasuusatay.

Toloow hooyaday waa tuma  oo aabbahayna waa  kuma? Halkayse joogaan? Toloow miyey dhinteen?! Siday ii tureen? Maxaan sameeyey ee ay sidan iigu galeen? Miyaan iska dhinto. Maxaan galabsaday sidan la iigu galayaa haddaa. Ma is dillaa toloow? Maxay hooyadaadii aad mooddaysay ee Gaasiri kuugu sheegi wayday? Maxay hooyadaa iyo aabbahaa kuula doon-dooni wayday? Tollaay intaan jirayba hooyo iyo aabbe maan lahayn.

Haddiiba waydiimahaa nafteedii kula boobtay, warcelin may helin, aan ahayn waydii hooyadaa Gaasira waxa laguu tuuray ee guddaafad xashiishka laguu dhigay!

Iyadoo cagaha jiidaysa murugo iyo marooro dillaac ayey gurigii soo gashay. Nasiib wanaag hooyadeed Gaasiraa albaabka ka furtay. Dulman gabadh daggan ayey ahayd arrinka ay qabanayso iyo waxay ku hadlayso intaba way ka fiirsan jirtay. Markay u diyaarisay wax kasta oo ay u baahnayd Gaasira  ayey si daggan ugu tidhi:

“Hooyo, Yaa i  dhalay?”

Gaasira ood mooddo in geeri loo soo sheegaybaa kor u booday oo tidhi:

“Hooyo macaan anigaa ku dhalay waa maxay waxan baaseed ku hadlaysaa?!”

Ii sheeg hadda waa xilligaan ogaan lahaa runta mana ihi ilmo yar oo wax laga qariyo ama la sasabo. Haddayba Gaasiri in badan iska adkaysay u sheegidda Dulman taariikhdeedii hore u sheegtay inay ka heshay gudaafad xashiish…………………………………

 

La soco qaybta lixaad hadduu Eebbe ogolaado.

W.Q Faadumo Aadan Maxamed (Ina Buuni)

libaaxo77@gmail.com ama faadumo.buuni@gmail.com