Haweenay u ololaysa guurka dadka isku jinsiga ah oo ka qayb-gashay Carwadii Buugaagta Hargeysa

Jude Kelly oo ah Agaasimaha Xarunta Fanka ee Southbank Centre isla markaana u ololaysa in raggu is guursan karaan dumarkuna is guursan karaan ayaa ka qayb-gashay Bandhiggii 8aad ee Caalamiga ahaa ee Buugaagta oo Hargeysa ku qabsoomay 1dii ilaa 6dii August 2015, iyadoo maanta oo Khamiis ahna la soo gabagabeeyey.

Jude Kelly, oo si furan ugu ololaysa is guursiga dadka isku jinsiga ah, waxay sidoo kale ka socotay Barnaamijka Dumarka Adduunka ee la yidhaa “Women of World (WOW).”

Gabadh ay haweenaydani dhashay  ayaa ka mid ah dadka loo yaqaan “gay-ga” waxayna is qabaan gabadh kale sida ay qortay jariirrada caanka ah ee Evening Standard

Sida sawirkan hoose ka muuqata, Jude Kelly waxay door ku yeelatay barnaamijyadii Bandhigga Buugaagta iyadoo ugu yaraan xidhiidhisay mid ka mid ah barnaamijyadii madasha laga jeediyey.

Barnaamijka WOW oo ay aasaastay haweenaydani ayaa xogaha qaar oo aanaan hadda xaqiijin karayni sheegayaan in ay maaliyad ku taageertay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa.

Agaasimaha Xarunta Farshaxanka ee Southbank Centre waxa ay maqaalka ay ku baahisay  wargeyska Evening Standard oo ka soo baxa cariga Ingiriiska ku taageertay guurka dhex mara dadka isku jinsiga ah isla markaana waxa ay sheegtay in ay u ololayso. Weedhihii ay maqaalkaas ku soo bandhigtay waxa ka mid ahaa:

“Qof waliba wax buu ka baran karaa bulshada liwaadka “gay community” kuwaas oo ballaadhiyey fikirkooda la xidhiidha galmada.”

Waxa kale oo ay maqaalkan ku sheegtay in ay u han wayn tahay inanteeda 27 jirka ee gabyaaga ah Caroline oo ay is guursadeen gabadh kale sannadkan gudihiisana ay aqal-galayaan. Intaas waxa ay ku dartay jariiraddu:

“Kelly waxa ay ka furaysaa xarunteeda Southbank goob ay isku aroostaan ragga guursada ragga iyo dumarka guursada dumarka si ay u xoojiso taageeradooda”

Jude Kelly- Edna Aadan
Jude Kelly Axaddii waxay xidhiidhisay barnaamij cilmi ah oo Edna Aadan u jeedisay ka-qayb-galayaasha Bandhigga Buugaagta

Dad badani waxay su’aal iska waydiinayaan sababta ay Jude Kelly u danaysay in ay ka soo qayb-gasho carwada buugaagta ee lagu qabtay Hargeysa maadaama ay og tahay in bulshada reer Somaliland ay yihiin dad 100% muslimiin ah isla markaana aan dhaqan u lahayn waxa ay iyadu aaminsan tahay.

Bandhige ma xaqiijin karo in Jude Kelly rasmi loogu soo casuumay Bandhigga Buugaagta iyo in ay iskeed dalka u timid kadibna ay iyadu ka qayb-gashay.

Hoos ka daalaco xogaha dheeraadka ee xarunta fanka Southbank Centre iyo dedaallada Jude Kelly ee la xidhiidha guurka dadka isku jinsiga ah.

bandhige@gmail.com