Mahdi Cabdilaahi Cismaan Buuri ayaa loo magacaabay Guddomiyaha ku meel-gaadhka ee Jaamacadda Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Sacad Cali Shire oo ka mid ah guddiga sare Jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in la soo afjaray khilaafkii muddooyinkii u dambeeyey ka taagan maamulka Jaamacadda Hargeysa,

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Sacad Cali Shire oo hadlay qodobada laga soo saaray khilaafka Jaaamacadda Hargeysa waxa uu yidhi:

“Waxa aanu Maansoor kula kulantay guddidii Jaamacadda, guddidu markii ay shirar badan ka gashay xaalada Jaamacadda, iyada oo xal raadinaysa waxa ay soo saartay lix qodob, isla markaana la tashanaysa Hay’addaha amni ee arrintani khuseyso, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, lixdaas qodobna waxa weeye: 1– In Jaamacadda la furo Sabtida. 2- In amnigeeda la sugo. 3- Dadkii fal-damiyeedka ka galay Jaamacadda in sharciga la mariyo. 4- In Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-xigeenka uu guddidu ka aqbalay istiqaaladii ay soo dhiibeen. 5- In labadii macalin ee Jaamacaddu hore u eriday ee sharciga ay marisay inay Jaamacadda sidaas kaga maqnaadan oo aanay ku soo noqon. 6- In maamule ku meel-gaadh ah uu noqdo Mahdi Cabdilaahi Cismaan Buuri oo Wasiir-xigeen hore ahaan jiray.”

Sacad Cali Shire ayaa dardaaran iyo dhiirigelin u soo jeediyey ardayda Jaamacadda, waxaanu ugu baaqay inay ku dadaalan waxbarashadooda, si ay mustaqbalka u noqdaan madaxda dalka, waxaanu sidoo kale macalimiinta ugu baaqay inay si wanaagsan ardayda waxa ugu dhigaan, isagoo hadalkiis sii watana waxa uu yidhi:

“waxa aanu rajaynaynaa in qodobadaasi xal inoo noqdaan, oo jaamacaddu noqoto goob tacliimeed, oo ardaydu tacliin u yimadaan oo aanay wax kale u iman, macalinkuna uu ardaygiisa ku dadaalo sidii uu wax u bari lahaa, si Jaamacadda ay uga soo baxaan hogaamiyayaashii bari waddankan hagi lahaa.”

Sidoo kale qodob ay Guddiga Sare ee Jaamacaddu ka soo saareen khilaafka Jaamacadda ayaan lagu sheegin wakhtiga ku meel gaadhka ah ee Guddoomiyahan cusubi xilka hayn doonno, iyadoo Jaamacadda Hargeysa dhawaan ka qalin-jebin doonaa arday aad tiro badan and qaadan doonta tirada ardayga ka soo baxday sannadka dugsiyadda sare.

Muranka jaamacadda Hargeysa ayaa muddooyinkii danbe soo jiitamayey, maalmihii u danbeeyey sababay khasaare badan oo qayb ardayda ka mid ahi jejebiyeen gawaadhi taalay barxadda hore ee Jaamacadda.

bandhige@gmail.com