Faa’idooyinka biyuhu u leeyihiin caafimaadka q.1aad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

1. Biyuhu waxa ay qayb weyn ka yihiin samaysanka carjowda ku jirta xaglaha (Xubnaha laabma), waxa aanay caawiyaan in lafuhu si dabacsan u dhaqdhaqaaqaan iyo in ay qabtaan nabarrada dusha kaga imanaya lafta. Waxa kale oo biyo cabbistu ay yaraysaa dhibaataa xanuunka afka Ingiriisiga ‘Gout’ lagu yidhaahdo oo ah boog iyo caabuq ku samaysma xubinta faraha suulka lugaha ee dadka ay dhiiggooda ku badan tahay maadadda asiidhka ah ee ‘Uric’.

2. Jidhku waxa uu dhididka ku waayaa biyo badan, gaar ahaan xilliga kulaylka, sidaa awgeed haddii aanu qofku biyo ku filan cabbin, waxaa dhacaysa in jidhkiisa ay ka wada baxaan maaddooyinka muhiimka ah ee cusbada iyo Bootaasiyaamta.
Calaamadaha lagu garto in qofka ay maaddooyinkani jidhkiisa ka baxeen waxaa ka mid ah afka oo ingaga, qofka oo dawakhaad dareema ama shaqada jidhka oo uu Khalkhal ku dhaco.

3. Biyuhu waxa ay kelyaha ka caawiyaan in ay iska saaraan qashinka dhiigga ay ka reebaan, sidaa awgeed haddii aanay kelidu helin biyo ku filan, waxaa dhacda in qashinkaas oo asiidho ahi uu ku ururo, ugu dambayntana keeno in kelyaha ay daboosho barootiinta Myoglobin oo ka kooban ogsajiin iyo xadiid.
Waxa kale oo uu ingagga jidhku sababi karaa in ay kelida ku samaysmaan dahgaxaan, iyo caabuq ku dhaca kaadi mareenka.

4. Biyo yaraantu waxa ay maskaxda ka dishaa u fiirsiga iyo in ay si deggen arrimaha uga baaraan degto, waxa kale oo ay dhaawac gaadhsiisaa awoodda xusuusta degdegga ah.
Si aad dhibaatooyinkaas uga badbaaddo cab biyo kugu filan. Haddii aad 70 kiiloogaraam tahay waxaa kugu filan afar koob maalintii, laakiin mar kasta oo miisaankaagu sii batoi, biyaha aad u baahanaysaana waa ay sii kordhayaan.