Faa’iidada caafimaad ee Babaayga
Babaayga waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada wuxu qani ku yahay oo aad ugu badan vitaminC sido kale waxa ku jiro xaddi dhexdhexaada oo ah folate iyo vitaminA.
1. Wuxuu xoojiyaa difaaca jirka : xaddiga aadka ubadan ee vitamin C kujiro babaayga wuxuu sare u qaadaan difaaca jirka.
2. Wuxuu yareeyaa infekshan-ka jirka iyo caabuqa: fiitamin c wuxu ka qayb qaataa ladagaalanka jeermiska sida bakteriya, feyruska iyo wax yaalaha sunta ku ah jirka.
3. Wuxuu ka hortagaa dhiig yarida: waxaa ku jiro fiitamiinka Folate (folic acid) oo ka qayb qaato samaysan iyo kobcida unugyada dhiigga cascas.
4. Wuxuu ka qayb qaataa bogsashada dhaawaca: sida dadka leh cirid dhiigga iyo dhaawacyada aan buskoon.
5. Wuxuu u fiicantahay maqaarka: vitamin c wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysan iyo bad qabka maqaarka.
6. Wuxu u fiicanyahay dheef shiidka caaloosha: waxa ku jiro dheecaan layiraah papain kaas oo kaqayb qaato hanaanka dheefshiidka.
Dadka uu u fiicanyahay isticmaalka babaayga:
– Dadka difaaca jirkoodu yaryahay.
– Dadka in infekshank-ka iyo caabuqa qabo.
– Dadka calool-fadhiga leh.
Siyaabo kale duban ayaa u isticnaali kartaa babayga sida in aad marsi qeybha kala duban jirka sida: wajiga iyo jirka qeybahiisa kale.
– inyar in aad shiido ayaa 2 qaando Ama macalgo malab ah ku dareysaa dabadeedna wajiga ayaa marinysaa sida Maska ha.
– sidoo kale cabitaan ahaan ayaa u cabi kartaa.
– sidoo kale babayaga asiga oo sidisa ahna waa cuni kartaa.
Digniin:
Babayga uma wanaagsno Hooyada uurka leh gaar ahaan bilaha hore Ee uurka.
Babaayga ayaa sababa in murqaha minka si adag isugu imaadan oo ay soo daatan uurjifka ku jiro minka eyag oo aan wali bila dhameysan.
Taas waxaa ugu wacan maada loo yaqaano papain Ee laga helo babaayga.
maadadaan ayaa qalada ama wax ka badasha horamonka loo yaqano prostaglandins kaaso ka qeyb qaato foosha.
Dr faris Alattas