Hadalka madaxweyne Farmaajo ma garnaqsi baa mise waa raali galin? (WQ: Mustafe M. Qodax)

“Hadalka maxadweyne Farmaajo ma garnaqsi baa mise waa raali galin?

(Nin qalbi la’ Quraan nin udhigaa, qaaf dheh ku harraad)

Ugu horayn aad baan usoo dhawaynayaa kulanka labada madaxweyne, waayo dan wayn baa ugu jirta qof kasta oo Soomaaliyeed halku doono ha joogee in lawada hadlo oo wax uun lagu heshiiyo.

Waxa kale oon rajaynayaa in wada hadalka la dardar galiyo oo hore loogu socdo arimaha masiiriga ah. Soomalilnad waxay had iyo jeer ku adkaysataa in halka lagu wada  hadlayo ay joogaan dawlado shisheeye; ma xumo runtii mar haddii wada hadal uun ay tahay waxa loo socdaa balse anigu dhibaato uma arko haddii soomaali gudeheeda ku filaato wada hadalka oo kalsooni iyo isu tanaasul lala yimaado.

Waxa kale oo an wanaag u arkaa in reer koonfureed ka garaabaan qaladaadkii aan loo sinayn ee ay ku kaceen intii u dhaxaysay midawgii somaliya iyo somaliland ilaa burburkii dawladii milagtariga ee kaligii  taliyihii  siyaad barre, wan aqaanaa walaalahay oo xataa ma ogola kalmada wadarta ee reer koonfureed lakin falaadhi gilgilasho kaagama go’do oo anagu midawgii aanu jeclaanay lamaanu midoobin reer kamid ah kuwa koonfur daga ee waxanu lamidawnay maamul reer koonfureed, maamulkaas oo isku raacay inay kaligood isku koobaan wixii la  wada lahaa.

An usoo noqdo hadalkii maanta ee madaxweyne Farmaajo; nuxurka hadalka madaxwaynuhu wuxuu ahaa intan ;“ reer woqooyiyoow waan idinka raali galinayaa wixii dhib idinka soo gaadhay  nidaamkii koonfuri hogaaminaysay, idinkana waxa laydinka rabaa raali galin tan lamid inaad ka bixisaan dhibtii ad gaysateen”.

Waliba wuxuu madaxwaynuhu si toos ah raaligqlinta uga dalbanayaa madaxwayne muuse biixi waayo, dadka qoryaha sitay ee farmaajo raaligelinta ka dalbanayo muuse biixi waa ka koow, cajiib.

Si kale haddaynu udhigno wixii dhacay waa loo sinnaa khaladkeeda weeye hadalka madaxwaynuhu. Waxaynu sugnaaba waa raali galinta muuse biixi iyo xabaal wadareedyo koonfur laga helo oo ah dadkii dawladii SNM koonfur ku xasuuqday!!!