Maanta iyo waxa jooga (WQ: Axmed Cabdi Aadan)

Maanta iyo Waxa jooga

Erdogan iyo ninkii Putin ahaa fiinta ayaa dhex miranaysay maalmahanba.  Dhiig daaday oo gobolka Idlib – qayb ka mida dhulka Suuriya – askar Turkey ah ayay leeftay xabaddii saacadihii ina dhaafay.  Ruushku wuxuu taakulaynayaa Asadka Suuriya.

Ruushka iyo Turkigu sidaa oo kale waxa ay laba daraf ka kala taagan yihiin Libiyanka isku dooxaya dhulkii uu qurxiyey Qadaafi.  Erdogan wuxuu booqday bishii hore Ukraine, halkaas oo uu qalab iyo garabba siiyey Ukraine oo dirir kula jirta Ruushka – xaalka labbada oday waa mindi mindi ku taag.

China

Xi Jinping – Madaxweynaha Shiinaha – cudur iyo xummad ayaa shacabkisii iyo doofaarkii ay cuni jireenba gummaaday.  Doofaarka ayaa si xun labbadii sanno ee ina dhaafay ugu u lee’day xummad la yidhaa African Swine Fever.

Dadka siyaasadda Shiinaha hoos ula socdaan, waa ay ka dayrinayaan cimrigiisa madaxtinimo Xi Jinping

Jarmalka

Merkel waa ay tegeysaa 2021ka, illaa haddana lama hayo qofkii bedeli lahaa.  AKK gabadh la yidhaa oo la filayey in ay bedesho Merkel ayaa si lama filaan ah albaabka uga baxday usbuucii ina dhaafay.

Ireland

Boqol sanno wax aan lagu arag ayaa waddankaa ka dhacay, kadib markii labbadii xisbi ee dalkaas ugu tunka waynaa afka dhulka loo doray, doorashadii qabsoontay usbuucii hore.  Sinn Fein ayaa helay inta badan cododkii la dhiibtay.

Washington D.C

Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa dagaal qaawan kula jira Bernie Sanders.  Bernie waa dimuqraadi balse marya weynta Xisbigu waa ay saluugsna yihiin siyaasadiisa.  Sanders si kale mooyee wuu soo dhaafayaa dagaalka ay kula jiraan xisbigiisu.  Trump maka adkaan doonaa bisha 11aad ee sannadka?  Suuragal weeye sababta oo ah Sanders siyaasadda uu wataa waa “Maraykanka ayuun baa aan masuul ka ahay – No More Foreign Intervention”.  Bernie wuxu dadka ku kasbanayaa, waxa uu wataa siyaasad xoogga saarayaa caafimaadka, waxbarashada iyo guryeynta.

Addis Ababa

Kadib 500 sanno ama tan iyo waagii Axmed Guray oo Soomaalidu ay u arkeen Ethiopia cadaw, maanta Addis waxa fadhiya nin leh “Soomaali ha midawdo” waa cibaari Aduun iyaba.

Hargaysa

Kadib garawshiyihii Farmaajo iyo warsaxafadeedkii wasir Xayir, wali waxa dhuumasho ku jira Muuse Biixi oo illaa hadda diiday in uu u jawaabo Farmaajo.

Aamuska Muuse waxa uu i xasuusiyey waagii ciidamadii Jarmalku ay Moscow u jirsadeen 30km ee Ruushku ay sugayeen hadalka Stalin.  Stalin oo ahaa nin cadho badan oo dagaal u joog ah, maalinkaas wuu ka muquurtay fahaarayaasha hadalka… Stalin meeyey?  Ayaa ka dhacday!