Saddex Danood Mid uun bay Noqon (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Taariikhyahankii Ibnu Khaldun ayaa yidhi” Sida dhibcaha roobku isugu eeg yihiin, si ka dhaw ayaa ay isug eeg yihiin taariikhda iyo mustaqbalku”. Faq kasta oo siyaasadeed dano kala duwan ayey leeyihiin siyaasiyiinta uu dhexmaraa. Siyaasi kastana waxa ku mudan arrin mihiim gaar ah u leh, oo ay tahay inuu meel ku tiiriyo. Madaxweyne Farmaajo lalma socodsiin in madaxweyne Muuse Biixi uu Adiis imanaayo, wuxuu ku war helay imantinkiisi. Kulankii dhexmaray Madaxweyneyaasha Biixi iyo Farmaajo wuxuu daaha ka rogayaa saddex aragtiyood oo ay kala wataan labada madaxweyne ee kulmay iyo dhexdhexaadiyaha Abiya.

1. Danta uu leeyahay Raysal wasaare Abiya

Dabayaaqaddii sannadkii hore ayuu Raysal wasaare Abiya noqday qofkii 100 ee ku guulaystay abaalmarinta billadii nabada (Nobel peace prize) oo sannad weliba lagu bixiyo caasimada Noorway ee Oslo. Wuxuu ku helay billada heshiiskii taariikhiga ahaa ee uu la galay dalka Eratariya iyo colaadii uu soo afjaray. Tan iyo intii ka dambaysay guddoosiinta billadaasi wuxuu xukunkiisu ku jiray qalalaasi ay faraha isula tageen qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya. Waxaana dhawr jeer la soo jeediyey inuu ku guuldaraystay inuu xakameeyo qulqulatooyinka qoomiyadaha u dhexeeya. Wuxuu Itoobiya keenay xorriyad aan xad lahayn oo aanay weligood ku riyoon qoomiyadaha gumeysiga ku soo barbaaray ee abid la gumeysan jiray. Eedaha loo soo jeediyey waxa ka mid ahayn in dib loolaga noqdo abaalmarinta billada. Markaa wuxuu bilihii la soo dhaafay raadinaayey guul kale oo taariikhi ah oo uu billada ku sii xoojisto, waana kan kulanka uu isugu yeedhay madaxwene Muuse iyo Farmaajo. Inuu sumcad raadis ahaa waxaad ku garanaysaa sida ay warbaahinta Itoobiya ee dawliga ahi ay u buunbuuninaysay kulankan 40 daqiiqo socday.

2. Danta Farmaajo

Marka laga yimaado mudada ka yar sannadka ee uga hadhay xilkiisa, waxa isugu darsamay dhawr arrimood oo joog iyo jiifba u diiday. Ammaanka Muqdisho waa mid faraha hore uga baxay, xisbiyada madasha ee mucaaradka ku ah oo u badan dadka deegaanka Muqdisho gaar ahaan madaxweyne hore Shariif oo olole xoogan ka wada gudaha deegaannada Muqdisho. Maamul-goboleedka Galmudug oo saddex madaxweyne yeeshay, Puntland oo shir wadatashi oo ka dhan dawladda Farmaajo ku dhawaaqday. Sideedaba Majeerteenku sas gaar ah ayey ka qabaan Mareexaan, oo ay xusuusan yihiin is-bahaysigii MODH (Mareexaan, Oogadeen, Dhulbahante) ee maali jiray dawladdii MSBarre. Deegaannada Beled-Xaawo oo ay beeshiisu u kala baxday koox Jubaland taageersan iyo Kiiniya taageersan iyo koox isaga ka amar qaadata. Dhammaan culaysyadaasi ayaa ku keenay inuu ololihiisa meel kale u leexiyo, oo ku soo daba-gabbado wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Markaa dantiisu waa inuu isu dhigo nin siyaasadiisu ballaadhan tahay oo Soomaalilaan kala hadli kara midnimada Soomaaliya. Waxa kale oo uu ka hortagayaa qorshe ay wadaan xisbiyada mucaaradka madasha wadashiga Soomaaliya oo ay ku doonayaan inay ku soo nooleeyaan is-bahaysigii IRIR SAMAALE oo kulmanaayey beelaha Hawiye iyo Isaaq.

3. Danta Madaxweyne Biixi

Wuxuu sii ambaqaaday wadahadalladii ay bilaabeen xukuumaddii madaxweyne Siillaanyo oo ay isku xisbi ahaayeen madaxweynaha. Eryada iyo weerarada ugu daran waxa qaadi jiray madaxweyne Muuse Biixi oo warbaahinta u marin jiray madaxweyne Farmaajo. Shaki kuma jiro in wufuuda kala duwan ee caalamka ka timaadaa ay shuruud ka dhigaan inay Soomaaliya wadahadlaan oo ay soo kala baxaan. Dublaamsi ahaan cida kala baxaysaa ayaa go’aanka soo gaadha ama go’aan ma gaadhaane waxa soo dhexgasha quwadaha waaweyn oo dhinacyada dano kala duwan ka leh. Weli Soomaalilaan wax dan ahi kamay gelin quwadah maanta adduunka ku amar ku taaglaynaya. Haddii dani ay soo gaasho sidii Koonfurta Suudaan ayaa hadh cad xoog loogu aqoonsan lahaa inay dal madax bannaan tahay. Culayskaasi ay quwadaha waaweyn saareen wadahadalka labada dhinac ayaa madaxweyne Muuse ku keentay inuu kulanka ogolaado. Sidoo kale waxa indhaha shicibka Soomaalilaan ka leexanaya arrintii is-marin waaga guddiga doorashooyinka oo labadii sanno ee u dambaysay taagnayd.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah. 

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com