Waxa aan shalay galab iyo saaka dhegaystay dood loo qabtay aqoonyahan reer Soomaaliland ah oo uu soo agaasimay macโhad la yidhaahdo ISIR.
Marka laga reebo labada warqadood ee ay soo jeediyeen labadii aqoonyahan ee ugu horreeyey, oo isku deyey in ay mawduuca wada hadalka Soomaaliland iyo Soomaaliya dhawr dhinac iska taagaan, iyaga oo aan shirka si qoto dheer u falanqaynin, ka qaybgalayaasha meesha ka hadlay dhammaantood ama badankoodu shirkii Djiboutina wax weyn kama odhannin, peparskii la soo bandhigayna aragti qumman kama dhiiban!
Run ahaantii doodda ka qaybgalayaasha session-ku ma ahayn falanqeyn ku aaddan shirkii Djibouti ee ay Soomaaliya iyo Soomaaliland isugu yimaaddeen ee waxa ay ahayd waxa Afcarabiga lagu yidhaahdo dardarasha furan, oo dabar laโ, waxa aad moodaysay in laga jawaabayo suโaal ah: โSoomaaliland ka warrama, xaggay ka timi, xaggey u socotaa, maxaase caqabad ah oo haysta gudo iyo debed?โ
Ka dibna qof ba meel ayuu jawaabtii la aadday, mid taariikh ka sheekeeya, mid xasuuq iyo dagaallo ka hadla, mid gumaysigii ka warrama, mid mustaqbalka iyo horumarka Soomaaliland u baahantaha ka hadla, mid mashaakilka wax wada lahaansho iyo dawladnimo ee gudaha ka calaacala, mid musuq-maasuqa iyo eexda qabiilaysan ka sheekeeyaโฆโฆ., intaasiba doodda ayey ka mid ahayd, hadda garo oo cinwaanku waxa uu ahaan falanqaynta shirkii Djibouti!
Ma xumayn in ay mashaakilka jira ee daweynta u baahan ka hadlaan, inkasta oo ay jireen rag garoonka debeddiisa ku ciyaarayay ama iyada oo waqooyin loo tukanayo dhanka bari u takbiiranayey!
Ma diiddani in ay arrimaha fagaaraha lagaga hadlay ahaayeen kuwo ka hadlid u baahan, waxa aan u jeedaa oo keliya in doodda cinwaanka sare leh aanay falanqeynteedii khusaynin ee ay wakhti lumis ahaayeen doodaha badankoodu marka mawduuca loo eego.
Sideedaba marka aad mawduuc ka hadlayso ama wax ka qorayso, waxa muhiim ah inaad ogaato xaddiga uu hadalkaaga ku yeelanayo mawduucu iyo xaddiga la aqbali karo ee aad ka bixi karto, ugana hadli karto mawduucyo si uun xidhiih ula leh, waa in ugu yaraan mugga hadalkaaga ee mawduucu aanu ka yaraannin 51%, inta kale waxa aad u adeegsan kartaa daaqtegid ama waxa loo yaqaanno digression.
Haddiise mawduucii laga hadlayay aad siiso 20% -tusaale ahaan-, 80% na aad iska soo dawaafto, taas lama odhan karo mawduucii ayaad ka hadashay, ardayda wax qoraysaa arrintaas ha u feejignaadaan.
Dooddii iyo madashii haddaynu ku noqonno oo istidraadku aannu qudheenna ina jiidan, waxa muuqatay in aanay dooddu xayndaabba lahayn ee keliya qof waliba mawduuca uu isleeyahay si fiican ayaad isugu muujin kartaa aragti ahaan, topic ahaan iyo luuqad ahaanba, ka hadlayey, sidaa awgeed ayaa tobonnaan mawduuc oo aan isqaadan karin loo keenay.
Dhawr xubnood ayay dooddoodu mawduucaba yey ku koobnaanine haddana qiima gaar ah u lahayd si guud, sida Cabdiraxmaan Gaas iyo gabadh aan filayo in magaceedu Sacdiya ahaa.
Waxa aan aad ula yaabay dood uu Macalin Cabdi Cali keenay oo ahayd: โWada hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ka hor waxa aynnu ahayn laba State/laba Dawladood, oo laba gumayste kala haysteen!
Waxa uu yidhi taasi waa FACTS, aanay cidina ka doodi karin, ciddii dood ka keenta in lala hadlaba ma aha!
Dooddaadu waxa fiican in ay mandiq ahaato, jebinteeduna aanay noqon mid qaawan, suโaasha macalinka la weyddiin karaa waxa weeye: Goorma ayuu facts-kaagu facts noqday?
Intii aanay labada gumaysi ee aad facts-kaaga ku dhistay Soomaalida kala qaybsan, facts kii ka horreeyey muxuu ahaa?
Haddii facts-kaaga laguu raaco, sow midowgii isaguna ma ahayn facts kale oo kaa hore buriyey, muxuu kaagu mudnaanta ku yeeshay?
Maxay ku kala duwanyihiin qofka facts-ka hore haysta iyo kan facts-ka danbe sitaa?
Facts-ku sidiisaba ma xaalad wakhti lagu sugnaabaa oo aan isbeddelin, hadda Soomaaliland jiritaankeedu sow facts ma ahaโฆโฆ?
Prof. Cabdi Cali waxa kale oo uu ku dooday suuraggal ma aha in lala hadlo cid aan aaminsanayn in uu Siyaad Barre mujrim ahaa!
Heshiintu sideedaba jujuub ma aha ee waxa ay ku timaaddaa isu tanaasul ku dhisan waayaha lama huraanka ah ee mustaqbalkiisa la dhisayo, Bulshada Soomaaliland madax iyo mijaba qodobkaas way ku kala aragti duwanyihiin, cidna cid kale looma sandullayn karo, waxase laga wada hadli karaa maxaa dan ah hadda iyo haatan, waana sida ay hadalka u dhigeen Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde iyo Maxmuud oo ka socday Jaamacadda Hargeysa.
Nin dhalinyaro ah oo si codkarnimo ku jirto u hadlay, mawduuc aan waxa laga hadlayo xidhiidh dhow la lahaynna ka hadlay ayaa yidhi: Taariikhdeennii waa la baabiโinayaa: Masaajiddii taariikhiga ahaa ayaa inta la dumiyo mid cusub loo beddelayaa, intaasi maba xumayne waxa uu sii raaciyey: Masjidkii Addiina la odhan jiray ayaa loo bixinayaa Ibn Cumar!
Waxa aan isweyddiyey goorma ayuu magaca Addina oo ahaa magac habar gaalad ah oo Jarmal ahayd ay masaajiddadeennu ku taariikhoobeen?
Adeer masjidka Addina lama odhan jirin, Addina Ice cream waxa uu ahaan jiray dukaan u dhow masjidka oo Ice creamka lagu iibiyo, haddii dhab ahaan uu magacaas yeelan lahaa masjidku waajib ayaabay noqon lahayd in laga beddelo oo magacyada aad fogeynayso ee Saxaabada Nebiga-scw- loo bixiyo.
Masjidka waxa la yidhaahdaa Rusheeye oo ah ninkii dhisay ee Ismaaciil Rusheeye- Alle ha u naxariistee, imikana bulshadu waxa ay u taqaannaa masjidka Sh. Dirir.
Mawduuca dooddu ku saabsanayd waxa uu ahaa: Kulan-madaxeedkii Jibouti ee Soomaaliya iyo Soomaaliland- Falanqayn cilmiyeedโ.
waxa ay ahayd in laga doodo oo la falanqeeyo:
1) Qabanqaabadii shirka, qabsoomiddiisii iyo ajendihiisii
2) Ujeeddooyinkii shirka loo qabtay, maxaa ka dhaboobay iyo yaa ka faaโiiday.
3) Ka qaybgalka Soomaaliland muxuu ka dhignaa, mashruuca ay la tageen marka la eego, xubnaha metelayay marka la qiimeeyo iyo qaabkii wax u soo bandhigeenba.
4) Dhib iyo dheef maxay Soomaaliland kala soo noqotay shirkaas?.
5) Maxaa ka khaldanaa shirka guud ahaan, gaar ahaan dhanka Soomaaliland, maxaase la gudboon shirka ka dib.
Ugu danbeyn aniga oo aad u bogaadinaya qabanqaabiyayaasha dooddan, waxa aan kula talinayaa in doodaha danbe ay ee ay agaasimi doonaan in:
1- Marka hore la xaddido mawduuca doodda- dabcan wuu jaangonaa kulankani sida cinwaanka ka muuqata-.
2- Waa in canaasirta ama qaybaha mawduuca la qoraa oo mid mid loo galaa, sidaana loogu qaybiyaa ka qaybgalayaasha.
3- Dadka doodda ka qayb qaadanayaa waa in ay cinwaanka iyo contents-kiisaba sii hayaan, oo participationkoodu sii ahaadaa ku talagal mawduuca khuseeya.
4- Waa in qof walba lagu ilaaliyaa mawduuca oo ciddii ka baxda laga joojiyaa oo lagu soo celiyaa, si aanu wakhtigu meelo kale ugu lumin.
5- Waa in ugu danbeyn ay falanqaynta ka soo baxdaa farriin iyo talo ku aaddan guud ahaan bulshada uu mawduucu sida tooska ah u khuseeyo, tusaale ahaan falanqayntani waa ay ahayd in laga soo saaro soo jeedin ku aaddan cid kasta oo daneynaysa mawduuca laga dooday, bulshada soomaaliland, aqoonyahanka iyo ugu danbeyn qolyaha wax ka goโaan ee middida daabkeeda haya, waa hoggaanka siyaasadda e.
Intaas ayay igaga dhantahay faalladaydii falanqaynta shirka, waa heerkii saddexaad ee mawduuca 1)shirka 2)falanqaynta shirka 3)faallaynta falanqaynta 4) falanqaynta faalladu waa xaggiinaโฆโฆ..
Dr-Abdulqani Hussein Beder