1.fahanka cilmaaniyada
Cilmaaniyada waxa looga jeedaa diinta oo nolosha laga fogeeyo ama nolosha oo la taago diin la’aan.
Asalka kalmada cilmaaniya waxay turjumaad qalada u tahay kalama laatiiniga ah ee “SECULARISM” turjumaadeeda saxda ahina waxa weeyi “diin la’aan”
Erayga cilmaaniya iyo erayga sercular xidhiidh ma ka dhaxeeyaa?
Labada eray wax xidhiidha ahi kama dhaxeeyo maxaa yeelay cilmiga ama aqoonta waxa loo yaqaanaa englishka scince.
U tiirinta cilmaaniyada cilmiga loo tiiriyayna waa lumin iyo halaabin maxaa yeelay hadii magaceeda xaqiiqda ah lagu magacaabi lahaa dadka caqliga lihi way ka didi lahaayeen.
2.bilawgii cilmaaniyada
Cilmaaniyadu waxay ka bilaabantay yurub sababteeduna waxay ahayd markii ay wadaadadii kiristanku ku ciyaareen illaahay diintiisii ee ay foolxumeeyeen ayaa waxa macquul noqonwayday waxa ay dadka diin uga dhigeen taasi waa bud-dhigii cilmaaniyada.
Qaabkii kiniisadu uga qayb qaadatay soo ifbaxa cilmaaniyada waxa kamid ahaa:
Ø Caqiido xun: illaahay sadex ayuu sadexeeyaa iyo ciise waa inankii alle
Ø La dagaalanka aqoonta & aqoonyahanka
Ø Garab istaaga ay wadaada kiristanku garab istaageen madaxda dulmi falayaasha ahaa
Ø Falal aad u xun oo dadku dhibsadeen
Sababahan iyo kuwo kale oo badan ayaa sabab u ahaa soo ifbaxii cilmaaniyada.
Waxa is waydiin leh qodobadan aan kor ku xusnay ma laga helayaa diinta islaamka?
Jawaabtu waa maya diinta islaamku waa diin aan labadalin waa diin nabadeed waa diin cilmiyeed waa diin aqoonta&aqoonyahanka
Dhiiri galisa sidaa awgeed waa wax aan suurto gal ahayn in laga helo arimahan oo kale.
3.Raadka cilmaaniyada
Ø Dhinaca siyaasada
Adeegsiga mabda’ mikavili “yoolku wuu fududeeyaa wadada” taasi waxay sababaysaa in ay madaxdu wado kasta u marto yoolkooda wadadaasi xaaraan iyo xalaal kay doonto ha noqoto.
Dadka in laga fogeeyo diinta islaamka ku dhaqankeeda isku xukunkeeda iyo dhaqan galinteeda.
Soo dhawaysiga dawlado gaalo iyo in sokeeye iyo xigto laga dhigto
Ø Dhinaca dhaqaalaha
Xayaysiinta alaabta cadawga dhulka muslimiinta dhexdiisa taas oo sababaysa hoos u dhaca kobaca dhaqaale ee muslimiintu.
Gacan ugalinta ganacsiga tiro kooban oo dadka hodanka ah taas oo aanay ka faaidaysanayn dadka muslimiinta ahi.
Muslimiinta oo si buuxda ugu tiirsada cadowga dhinac kasta.
Ø Dhinaca bulshada iyo akhlaaqda
Xoraynta gabadha, oo looga jeedo in laga xayuubiyo wax kasta oo karaamadeeda iyo sharafteeda dhawraya.
Kaladaadashada qoyska.
Faafida khiyaanada lamaanayaasha & faafida sinada.
Hoos u dhac ku yimaada xidhiidhka qaraabada.
Ø Dhinaca tarbiyada iyo aqoonta
Fasirida diinta fasiraad liidata iyo koobida cilmigeeda.
Kalasaarida nidaamka waxbarashada mid maadi ah iyo mid diini ah iyada oo ta hore la xoojinayo ta labaadna la dayacayo.
Dayicida af carabiga iyo tarbiyada islaamiga ah iyadoo awooda la saarayayo maadooyinka kale.
Faafinta islaam nacaybka iyo buunbuuninta ilbaxnimada reer yurub.
Ku koobida xadaarada dhagaysiga heesa iyo fanka
Side ayaynu uga hor tagnaa cilmaaniyada
Baahi uma qabno in aynu isku mashquulino ka hadalka cilmaaniyada iyo xukunkeeda , waxa inoo cadaaday xukunkeeda iyo in ay tahy diin madax banana oo ka soo horjeeda diinta ilaahy waxa shaki la’aana in ay gaalnimo tahay in laga hortagaa waa waajib ina saran hadaba sidee ayaynu uga hortagnaa?
Ø Faafinta cilmiga iyo wacyi-galinta dadka
Ø ku tarbiyaynta dhalinta islaamnimada qoysaska dhexdooda iyo xarumaha kala duwan.
Ø Faafinta aqoonta islaamiga ah kutubta dhexdooda ,jara’idada,manaahijta waxbarashada,warbaahinta
Ø Qabsashada shareecada islaamka
Ø Ku wacyi galinta bulshada khatarnimada cilmaaniyada ee xaga diinta iyo bulshada
Ø Xoojinta jacaylka muslimiinta iyo nacaybka gaalada