Faratoon waa xiligii la nasin lahaa (WQ: Khaalid Cali Axmed)

Khaalid

Xidhiidh Ka  dhexeeya Da’da iyo wax soosaarka shaqo ( correlation between age and work Productivity )

Marka lahelo shaqeeye iyo loo shaqeeye waxaa abuurma shaqo, loo shaqeeyuhuna waxa uu la xisaabtamaa shaqaalihiisa.

Shacabka JSL waa loo shaqeeyayaal qofkasta oo xafiis public ah fadhiyaana waxa uu shaqaale u yahay shacabka, oo ay tahay in ay la xisaabtamaan hadaba muwaadin bal qodobadan is waydii??

  1. Aduunyada waxa lagu hawlgabaa celcelis ahaan 63 ayadoo dalalku ku kala duwanyihiin.

Hadaba marka maanta Faratoon oo dhaafay da’dii hawlgabka aynu ladoonayno in uu inoo noqdo Gudoomiye matala shacabka oo ka hadla dareenka da’yarta iyo kuwa dayacan sidee xaal noqonayaa???

  1. Waxaa si toosa isgu xidhan wax soo saarka qofeed iyo dadiisa ( age and work performance).

Sidaynu la socono golahan shacabka ee hada ladoortay waxay u badanyihiin dhalinyar, hadaba muwaadin maskaxda cusub ee habfikirka fiican xanbaarsan iyo maskaxda daashay ee nasinta u baahan iyamaa ku haboon in ay wax maamusho???

  1. Qofka Somalilander ka ah maxaa lagu qiyaasaa Muwaadinimadiisa??

Waxaa is waydiin mudan muwaadin Faratoon iyo cabdirisaaq maxaa kukala fadilay somaliland.

  1. A) yaa cabira heerka ku qanacsanaanta JSL?
  2. b) maxaa hal cabir u ah ?

Guntii iyo Gabogabadii Faratoon waxa uu u baahanyay in la nasiyo oo la helo gole shacab oo dheelitira habka isla xisaabtanka saxda ah.

Waxaa ina deeqda somaliland loo simanyahay oo labada ilmaadeerka ah kolba kii dantaada aad ka aragtaa aanu noqon first citizen.

Qore: Khalid Cali Axmed