Gabilay horumarka ha kordhiso: 1991-kii waxay ka waynayd Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe (WQ: Axmed Nuur Guruje)

” Gabiley Horumarka ha kordhiso  ”.

Gabiley waxay degmo noqotay 1962 , waxaana degmo u magacabay Madaxwayne Aadan Cabdile Cismaan , sidaa markay tahay waxay ka mid tahay degmooyinka ugu dada wayn wadankii la odhan jirey Somaliya , maxaa yeelay 1962 degmooyinku aad bay u yaraayeen .

1991 markii ay burburtay Dawladii Soomaaliya , Gabiley waxay ka waynayd Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe , kuwaasoo imika aynu qiyaasi karro siday u kobceen una balaadheen .

Dhinaca kale , Gabiley waxay ka mid tahay , Degmooyinkii wadankii Soomaali la isku odhan jirey ugu dakhliga badnaa , ee marwalba baanankeedda laggu yaaci jirey , hadeerna waa degmo dhaqaale ahaan ladan , dhinaca kale Gabiley waa meel nabadeed oo dadkeedu ilbaxyahay , kana midda meelaha ay kasoo jeedaan Tijaarta guud ugu  badan geeska Afrika .

Geesta kale , Gabiley waxay ku taalaa meel Istaraaji ah oo u dhaxaysa Itoobiya , Somaliland ,Djabouti iyo waliba Hargaysa iyo Boorame , sidaa darteed maanta waxaa lagga sugayay fooqyo dhaadheer , Hoteelo waawayn oo casri ah , suuqyo iyo horumar balaadhan , hassa yeeshee muuqaaladan kooban ee inoo muuqdaa kuma fila heerkii Gabiley lagga sugayay , Gabiley horumarka ha kordhiso .